Saxafiyiinta Muqdisho oo Banaanbax ka dhan ah Guardian iyo Wariye Jamal Cusman dhigay
Muqdisho 19/10/2012 (SDN) – Waxaa Maantay Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax ka dhan ah Wargeyska “Guardian” iyo Wariye Jamal Cusmaan oo 11kii bishaan Qoraal kasoo qoray Saxaafadda SoomaaliyeedBanaanbaxaani oo ey ka kasoo qeyb galeen dhamaan Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo gobolada ayaa looga soo horjeeday Maqaal oo uu Qoray Wariyo lagu Magacaabo Jamaal Cusmaan oo bishaan 11keeda lagu soo daabacay “The Guardian”.
Suxufufiyiinta kasoo qeybgalay banaanbaxaan ayaa sheegay in Warbixintaan ay ahayd mid aflagaado ah oo loogu talagalay in wariyaasha Soomaaliyeed sumacadooda hoos loogu dhigo.
“Waxaan si kulul u cambaareynaynaa ninka sheegtay in uu yahay Wariye ee ka been sheegay Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, Saxaafadda been iskama sheegto, iskumana sifaaddo, Jamaal waa uu naga been abuurtay, umana dul qaadan doono” sidaasi waxa yiri Wariyeyaasha maanta dhigay Banaanbaxa.
Xoghayaha Ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ Maxamed Ibaraahim Bakistaan ayaa yiri “Maqaalkaan waxaa Qoray Nin sheegtay in uu Suxufi yahay oo uu ku sheegay qormadiisa in dilalka suxufiyiinta loo geysanayo ay iyagu keeynsadeen taasnah ma qaadan karno”
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Xalay Cambaareeyay Warbaahintaan iyo Wariyahaba.
“Maanta wixii ka bilowda waa uu go’ay Xiriirkii nagala dhaxeeyay Channel 4 iyo Wargayska The Guardian, illaa raali gallin laga bixinayo falka foosha xumaa ee nagula dhaqaaqay” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha Ururka NUSOJ.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com