Saxaafada Somaliland oo ku khashifantay bartilmaansiga Ururada Gaaroodi iyo UCID
Hargeysa Sept 15,2012(SDN)-Saxaafada Somaliland ee in dhawaalaba ku dhexmilantay ururo beeleedyada siyaasadeed ee Siilaanyo ooda ka rogay ayaa si badheedha weeraro joogto ah ugu haya labo urur oo beretanka uga dheereeyay ururada qeyrkooda ee Somaliland.
Ururadaasi midi waa ururka samalfalka ah ee Gaaroodi oo dalka ka wada mashaariic horumarineed oo si weyn loogu diirsaday.
Ka kalena waa mid qolyaha dacayadeeyaa ay moodeen in ka bixidoodu burburkiisa tahay oo waa UCID.
Ururka UCID oo haatan ah ka qudha ee aaney wax isqabqabsi ahi ka dhex jirin isla markaana aanu shaki soo bixidiisu ku jirin ayaa beryahan waxa lala daba gucleynayaa dacaayado raqiisa oo ay ka mid yihiin NEW UCID iyo waa la iibiyay.
Halka Ururka Gaaroodi oo door Libaax ka qaatay fulinta mashriic ay ilaa dawladii gumeystahii Britain wax ka qaban weyday, waa ta wadada cad.
Ururka Gaaroodi ayaa isna la daba wadaa afhayeen la sheegay in ururkaasi uu leeyahay oo aan xitaa Somalilander aheyn iskaba daa in uu ururkaa ka tirsan yahaye.
Abebe Gellaw ayaa saxaafada weerarka miciin biday ku tilmaameen in uu yahay afhayeenka ururka Gaaroodi oo markaa dhaleeceynaya ururka UCID.
HALKAN KA DAAWO ABEBE GELLAW OO KU QEYLAYA MELES ZANAWI
Abebe Gellaw ayaa ah nin Itoobiyaan ah oo mucaarid ku ahaa Meles Zanawi oo magac ku yeeshay mar uu meel xaflad ah uga qeyliyay raiisul wasaaraha.
Ninkan Itoobiyaanka ah ayaa loogu wanqalay Eng Khadar Cabdi Ciisa isla markaana la sheegay in uu ka soo horjeedo ururka UCID.
Ururka Gaaroodi ayaa hore tiraba dhawr jeer u shaaciyay in shaqsigaasi aanu ururkooda ka tirsaneyn,balse saxaafada ciilkaanbigu marin habaabiyay ayaan cidna u joojineyn weerarada.
Saxaafadu waa in ay toosisaa cid walba oo dalka xil u heysa,wixii khaldana soo bandhigtaa,mase ah in ururada iyo ashqaasta si gardaro ka muuqato loo bartilmaansado.
Hadii taasi dhacdana waxa ay khasaaro ku tahay uun cida ay taageerayaan ee waxa ay wax ku doonayaan tahay in ay dadka wax tarka mujtamica u leh ay xag xag taan.
SDN-Hargeysa