Saxaafada madaxbanaan iyo Axsaabta Qaran oo aan lagu casumin debaaldega xuska Ciidanka Qaranka
Hargeysa (QJ) – Wararka ka iminaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Warbaahinta Madaxa-banaan Saaka laga hor istaagey inay galaan Taliska Melateriga Somaliland iyo inay Tebiyaan Xuska Sannad-guurada 28aad ee Ciidanka Qaranka.
Goobta debaaldega oo bulshadu leedahay ayaa waxa galey Xubno Weriyayaal ah oo socdey Madaxtooyada iyo TV-ga Qaranka.
Waxa Xusid mudan inay tahay Sannadkii 2aad ee xidhiidha ee Warbaahinta Madaxa-banaan laga hor istaago Tebinta Xuska Sannad-guurada Ciidanka Qaranka.
Sidoo kale waxa iyana meesha ka maqnaa Guddoomiyeyaashi axsaabta qaranka Somaliland oo caadiyan ka qeybgeli jiray munaasabadaha noocan ah.
Taa bedelkeeda ayay xukuumada Somaliland culeys saartay sidii dawladaha Jaarka ay ugala soo qeybgeli lahaayeen munaasibada.
Dawlada Jabuuti oo baal mareysa hanaanka dawladeed ayaa tiyoo ku xumeyneysa dawlada Farmajo taliyeyaasheeda u soo dirtay Hargeysa, sida ay falanqeeyeyaashu sheegayaan.
Tilaabooyinkan uu qaaday Geelaha Jabuti ayaa cuqdado siyaasadeed dhexdhigi kara dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee labada dhan ku kala nool.
Dadka falanqeeya siyaasada Somaliland ayaa sidoo kale sheegaya in arintani ku lug leedahay damaca madaxweynaha Somaliland ee mudo kororsiga, iyo diidmada axsaabta mucaaridka.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa xili beesha caalamku ay il gaara ah ku heyso guulo maamul wanaag oo hore Somaliland loogu yiqiinay, balse meesha ka sii baxaya intii Madaxweyne Biixi xilka la wareegay.