Saxaafada Iyo Kulmiye Wakhtigiisii Mucaaridnimo Iyo Isa Seega Xiligiisa Muxaafidnimo. Faalada Shabakada QURBEJOOG.COM
Hargaysa 21.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Kulmiye oo Mudo dheer soo ahaa Mucaarid soo bandhiga Dhaliilihii Maamulkii ka horeeyay ee Hogaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku ad adkaa Ilaalinta Xuquuqadka aasaasiga ee Muwaadinka iyo dhawrista Xoriyatul qawlka,Iyo iyagoo ka soo horjeeday Faragelin kasta oo lagula Kaco Saxaafada Madaxa Bannaan.
Way ku saxsanaayeen inay sidaa u hadlaan Waayo qodobo distoori ah oo ilaalintiisu Waajib qaran tahay ayay difaacayeen Kaas oo ah Qodobka 32aad ee Distoorka Somaliland Farqadiisa 3aad oo u dhigan “ Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda way reebban tahay tallaabo kastaoo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.” .
Hasa yeeshee Waxay Xukuumadu dhinac iska dhigtay Xeer Nidaamiyaha Saxaafadda ee No 27,ee dhaqangalka ah isla markaana uu Saxeexay Madaxweynihii hore ee Somaliland,Iyadoo Mudo badan ka shaqaynaysay diyaarinta Xeer ka fog in dal dimuquraadi ah lagu dhaqo kaas oo ay Golaha Wakiilada u gudbisay Waxaase Xeerkan ku gacan saydhay Hay’adaha Warbaahineed ee ka jira Somaliland,Waxay Haatan Dawladu u soo noqotay in Xeerkii dhaqangalka ahaa ay u sheegto inay Saxaafadda ku dhaqayso.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaamihii Nolosha Mucaaridnimo waxa uu cod dheer ku difaaci jiray Ilaalinta Madax bannaanid Saxaafada Weedho laga Guntay oo Maanta ku Kaysan Mulaaxa hadalka lagu duubo ayaa isagoo ka hadlaya Telefishanka Qaranka iyo Idaacada uu haatan Maamulo ee Radio Hargaysa oo ay ku doodi jireen in aflagaadadooda loo furtay waxaa laga guntay Weedhahan “ Waxaanu furaynaa Raadiyeyaasha iyadoo Xeer loo samayn doono, Hadaad Tv-ga Qaranka iyo Idaacada Radio hargaysa furato anaga ayuunbaa nalaga caayayaa oo shaqo kale ma laha,Qarana waa lagu sheegayaa”!.
Mudane Siilaanyo isagoo la hadlayay Xukuumadii Daahir Rayaale ayaa waxa uu Yidhi “Waxaan ka Codsanayaa dawlada in mar walba la dhawro Madax bannaanida Saxaafada iyo Ilaalinta Xoritayatul qawlla Muwaadinka,waana in Saxaafada iyo dadkaba aan laga qaadin xoriyaatka distoorku siiyay ee waa in weliba lagu dhiirigeliyo”.
Mar kale Waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo markii uu Hogaaminta qaranka Ku guulaystay labada gole ee Baarlamanka Somaliland ka hor cadeeyay inuu Weli ku taagan yahay dhaqankiisii Mucaaridnimo ee ilaalinta madax bannaanida Saxaafada “Aniga waxaad igu taqaaneen inaan Mar walba difaaco Xoriyada Saxaafada iyo Madax bannaanida fikirka Muwaadinka maantana dhaqankaas ayaan dalka ku hogaaminayaa waxaanu soo dhawaynaynaa dulqaadna u leenahay dhaliisha naloo soo jeediyo”.
Mudo Koobani markii ay ka soo wareegtay Khudbadaas Waxa uu Madaxweynuhu Xabsiga u taxaabay ku dhawaad 40 Suxufi oo ka soo hor jeeday fal ay Xukuumadu albaabada ugu laabtay Xarunta Telefishanka HCTV,Taasi waxay beenaysay dhawaqyadii Madaxweynaha ee Ilaalinta Madax bannaanida Saxaafada oo lagu tilmaami karo beerlaxawsi aan jirin.
Xukuumada Xisbiga Kulmiye oo Talada dalka haysay Afar Sanno iyo 148 Maalmood Waxaa lagu sifeeyaa dawladii 1aad ee Mudadii Somaliland Jirtay Xabsiyada dhigtay Tiro ku dhow 300 oo Warfidiyeen ,Sidoo kalena Quful ku xidhay Sadexda Wargays ee kala ah Haatuf,Hubaal iyo Somalilandtimes.
In Saxaafadu u Hiiliso Kulmiye waxay ahayd mid ku Khaldan Qawaaniinta Warbaahinta oo ina faraysa in Saxaafaddu kaalin dhex dhexaad ah u ahaato dhinacyada Siyaasada ku loolamaya.
Isku soo wada duuboo Xukuumadan talada haysa iyo mid ka danbaysa oo iman doonta waa inay maanka ku hayaan inay jirayso jirina doonto Saxaafadda Xadhig iyo xabad midna ka baqanayn kuna Caano maashay Tebinta Xaqiiqooyinka dalka ka jira.
Hargaysa SDN/QJ