|

SAWIRRO: Dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhiyay Dhakhtarka Degmada Sallaxley

Hargeysa,6,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa maanta Magaalada Salaxley ka dhacday Xaflad Balaadhan oo ilyartu is qabtay isla markaana Kulmisay Haldoorkii Somaliland .

Ujeeddada Xafladdan ayaa ahayd Xadhig ka jaris loo sameeyay Dhismayal Cusub oo Ururka Hayaan ku soo kordhiyay Cusbitaalka SALAXLEY .

Waxaana ka soo qeyb galay Xafladdan Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Duulista Somaliland Mudane Cumar-Yare, Wasiirka Caafimaadka Mudane Saleeban Xaglo-toosiye, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Ku Xigeenka kowaad Ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Jaamac Shabeel , Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye,Duqa Demgada SALAXLEY Shiine Tahar, Gudoomiyaha Guddida SAHAN Barwaaqo Maxamuud Muuse Gooni, Madaxa Hay’adda NAHDA Sheekh Khadar Aw Xirsi, Gudoomiyaha Hay’adda Geeska Africa Sheekh Maxamed Cali Geeddi, Xubno Ka socday Ururka Dhisay Cusbitaalka Ee Hayaan iyo Masuuliyiin kale.

Ugu horeen Waxaa Halkaasi ka hadlay Madaxa Hay’adda Nahda oo ku hadlayay Afka Ururka Hayaan Sheekh Khadar Aw Xirsi, waxaanu sheegay in Dhismaha Cusbtiaalkan ay ka qeyb qaateen Ururka Hayaan oo kaashanaya Hay’adda loo yaqaan Human Concern International ee Fadhigeedu yahay CANADA, iyo Hay’adda Nahda oo fulisay Dhismaha.

Waxaanu sheegay Sheekh Khadar in Dhismahani ka koobanyahay Saddex Waadh iyo Xafiisyo, isagoo sheegay in ay ku guuleesteen Hirgalinta Dhismayaashan oo wax wayn u soo kordhin doonaa Cusbitaalka SALAXLEY .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Sahan Barwaaqo Maxamuud Muuse Gooni, Gudoomiyaha Gaaroodi Maxamed Dhago-Weel iyo Caaqil Rashiid Maxamed jaambiir waxaanay Dhamaantood Bogaadiyeen Ururka Hayaan Ee Hirgaliyay Dhismayaashan .

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Gudomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyeen Dhismayaashan Cusub Ee Ururka Hayaan DHisay .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye ayaa sheegay in uu nasiib badanyahay Wasiir Xaglo-Toosiye maadaama intii uu xilka hayay uu wax qabad badan oo dhanka caafimaadka ahi uu ka hir galay Deegaankani .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay Ururada ka qeyb qaatay Dhismaha Cusbitaalkan, isagoo ku hambalyeeyay Dadka Deegaankaasi sida ay u wax qabsadeen .

Gudomiye Faysal Cali Waraabe ayaa meesha ka saaray in loo mahad naqo Dawladda isagoo sabab uga dhigay in Dawladdu wax kastoo ay qabato ay waajib ku tahay oo aan mahad naq meeshaba aanu ku jirin .

Sidoo kale Gudoomiyaha aya qiray Waxqabada ay haweenku ku leeyihiin Horumarinta Deegaankan, isagoo amaan balaadhan u jeediayay Haweenka ka soo jeeda Deegankaasi ee ka shaqeeya arrimaha Horumarka .

Gudoomiyaha waxaa uu Bogaadiayay Ururka Hayaan oo wax qabad muuqda ku leh Deegaankani .

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa bogaadiyay Ururka Hayaan, isagoo halkaasi ka cadeeyay in Bajjadkii lagu dhisayay Cusbitaalka Deegaanka Higlada lagu daray Miisaaniyadda, Immikana ay diyaar tahay bu yidhi Lacagtii lagu dhisayay Dayrka Cusbitaalka Salaxley oo uu hore u ballan qaaday Madaxweyne Siilaanyo .

Ugu Danbeentii Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Xaglo-Toosiye ayaa halkaasi ka hadlay ayaa ururka HAYAAN ku bogaadiyay Dhismayaahsa waawayn ee ay ku kordhiyeen Cusbitaalka SALAXLEY .

Wasiirka ayaa sheegay in Deegaankan ay ka soo jeedaan Dhakhaatiirta ugu waawayn Somaliland,  balse bu yidhi aanay diyaar u ahayn in ay dadkooda bukka ay wax yar wakhtigooda uga jaraan oo ay caawiyaan .

Sidoo kale waxaa uu Bulshada Reer Somaliland ugu baaqay in ay Dadka Deegaanka Salaxley kaga daydaan isku tashiga iyo wax wada qabsiga, halka uu haweenka Reer Somaliland-na ugu baaqay in ay ku daydaan Haweenka Deegaankani  .

Waxaana gabogabadii xafladda Shahaado sharafyo la gudoonsiiyay Ururada GAAROODI, HAYAAN Iyo NAHDA Oo uu gudoonsiiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Xukuumadda ayaa iyana Dhinaceeda Maamulka Degmada SALALXEY ku Wareejisay Agab Sports iyo Koob ay sheegeen in ay ugu talo galeen In Bisha Ramadaan ay ku tartamaan Kooxaha Kubadda Cagta Salaxley .

IMG_2600 IMG_2602 IMG_2604 IMG_2605 IMG_2607 IMG_2608 IMG_2613 IMG_2616 IMG_2618 IMG_2623 IMG_2628 IMG_2629 IMG_2644 IMG_2668 IMG_2672 IMG_2676 IMG_2680 IMG_2681 IMG_2683 IMG_2694 IMG_2699 IMG_2706 IMG_2724 IMG_2738 IMG_2743 IMG_2748 IMG_2755 IMG_2769 IMG_2785 IMG_2789 IMG_2793 IMG_2799 IMG_2808 IMG_2809 IMG_2814

 

Comments are closed