Sawir War Ah: Sheekh Shariif Iyo Madaxweyne Gaas Oo Abu-Dhabi Ku Kulmay
Abu-Dhabi:20,June,2014(SDN/QJ)- Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa Habeenkii Xalay ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu Gaas booqasho Maalmahaba ku joogay.
Kullanka ayaa yimid kadib markii Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ay guri uu ka degan yahay Abu-Dhabi ku booqdeen madaxweyne Shariif oo ahaa ninkii Gaas u magacaabay ra’iisul wasaare.
Inkasta oo ay si aad ah isugu xummaayeen markii labada ninba ay mar qudha xilka ka wada tagayeen kadib doorashadii Xasan Sheekh, haddana waxaa muuqata in hadda ay iska hilmaameen xurgufyadii siyaasadeed ee soo wada maray.
SDN/QJ-Abu-Dhabi