|

Saudi-ga oo 220-tan oo timir ah ugu deeqay shacabka Somalia.

Riyaad June 5, 2013(SDN)-Dowlada boqortooyada Saudi Arabia ayaa taagero timir oo gaaraya 220-tan oo timir ah ugu deeqday shacabka Somalia midaasi oo looso marsiiyay hay,ada cunada aduunka QM u qaabilsan.

Timirtaasi ayaa la sheegay dowlada Saudi-ga in ay ugu fadhiso qiimo lacageed oo gaaraya $553,000.

Dowlada Saudi Arabia ayaa hadafka tagaeradaani ku tilmaantay mid qeyb ka ah 4000-tan oo timir ah oo wadamo kala duwan ay ku taagerayso.

Safiirka Saudi magalada Nairobi ee wadanka Kenya Scaiid Maljan ayaa sheegay in dowlada Saudi Arabia ay si weyn u taagereyso dadaalada ku aadan la dagalanka gaajada ka taagan Somalia.

Dowlada wadanka Saudi Arabia ayaa waxa ay kamid aheyd dowladihi ugu horeeyay ee Somalia u soo gumday abaaarti sanadii 2011-kii ku dhufatay gobolka.

Comments are closed