Sarkaalkii Labaad Oo Al-shabaab ah Oo Muddo Toddobaad Gudihiis ah Ka soo Goostay Kooxdaas, Iskuna Dhiibay Kenya
Mandhera:June,13,2014(SDN/QJ)-Hal Nin oo u dhashay Rwanda, isla-markaana sheegtay inuu ka mid ahaan saraakiisha sarsare ee ururka Al-shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamada Kenya ee ku Sugan Magaalada Mandhera.
Ninkan sheegtay sarkaalka ka tirsanaan jirey Ururka Al-shabaab oo Magaciisa Lagu Sheegay Pascal Bizmungu, balse ku socda magaca Cabdirizaaq, ayaa isdhiibay dhammaadkii toddobaadka.
Ninkan oo Da’diisu tahay 33 jir, ayaa orod kusoo galay maxkamadda magaalada Mandhera, halkaasi oo uu argagax ka abuuray, waxaana uu sheegay inuu doonayo in la siiyo magangalyo, isaga oo qiray inuu kasoo baxsaday Somalia.
Ninkan ayaa la sheegay in markii ugu horeysay isaga oo agoon ah uusoo galay dalka Kenya sanaddii 1996-kii, halkaasi oo uu ku koray magaalada Mombasa, ka hor inta aanu ku biirin kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu kasoo cararay hogaaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo dhowaanahan dilayey madaxda ajnabiga ah ee kooxdaas argagixisada iyo sidoo kale kuwa Soomaalida.
“Waxaan u dul qaadan waayey tacaddiyada joogtada ah ee Axmed Godane waana iska soo cararay” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay inuu madax ka ahaa koox ka kooban 50 dagaalyahan oo ku sugnaa Muqdisho, kuwaasi oo shaqadoodu ahayd inay weeraro ku ekeeyaan ciidamada Amisom, hase yeeshee markii looga adkaaday Xamar uu u baxsaday degmada Jilib.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com