Sarkaal Sare iyo laba askari oo Ciidamada Qaranka Ka Tirsan oo ay Saaka Jid Goyn ku dileen Maleeshiyaad nabad diid ah
Laascaanood 15.June 2014 (SDN/QJ)- iyada oo Maleeshiyada Khaatumo laga saaray deegaanadii ay ku sugnaayee ayaa haatan waxay bilaabeen inay dagaal dhuumaalaysiya lagalaan ciidamada qaranka somaliland, kadib markii laga adkaaday ayaa saaka weerar Jid-gooyo ah ku dishay Taliye Guutihii Ciidanka Somaliland ee Dharkayn-geenyo iyo afar Askari oo la socday.
Wararka aanu ka helayno saraakiisha Ciidanka Somaliland ayaa sheegaya in kooxda dishay Sarkaalkan oo la odhan jiray Cali Xoor iyo Askarta la socotayba ay ka heleen meel jid ah oo ay socdeen, halkaas oo ay ku khaarajiyeen.
Maleeshiyada dishay Sarkaalkan iyo Askarta la socotay ayaa lagu soo waramayaa inay gaadhigii ay wateen sarkaalka Reer Somaliland kaxaysteen isla markaana Duurka la galeen.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay masuuliyiinta Somaliland iyo dagaal kale oo ka dhacay deegaanada ay Ciidanka Somaliland qabsadeen.
Laascaanood Qurbejoognews.com