Sarkaal Nabadsugidda Somalia katirsanaa Oo Maanta Muqdisho Lagu Dilay
Muqdisho:April,23,2015(SDN/QJ)-Degmada Dharkaynlay ee Magaalada Muqdisho, ayaa ay kooxo Hubaysani Saaka ku dileen Sarkaal Sare oo Nabadsugidda Somalia Ka tirsanaa.
Sida Dadka Deegaanku Xaqiijiyeen Dilkan ayaa waxaa fuliyay rag hubaysan oo wata Bistoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen sidii caadada aheyd ee dhici jirtay.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray C/qaadir Sabriiye, wuxuuna deganaa Degmada Dharkaynley.
Ciidamada Nabad Suggida Degmada Dharkaynley iyo kuwa Booliiska ayaa gaadhay goobta dilka uu ka dhacya, waxaana ay halkaasi ka wadaan baadhitaano ku aadan kooxdii dilka Sarkaalkan ka dambeysay.
Maamulka Degmada Dharkaynley weli kama aanay hadlin dilkan loo geystay Sarkaalka ka tirsan Nabad Suggida iyo haddii ay jiran dad loo soo qab-qabtay dilka.
Degmada Dharkaynley ayaa waxaa ka dhaca dilalka ugu badan ee Magaalada Muqdisho ka dhaca, waxaana la xusuustaa in Degmadaasi lagu dilay haween badan oo qaarkood arday ay ahaayeen.
SDN/QJ