Sarkaal lagu weeraray Magaalada Kismaayo iyo iska hor imaad ka dhacay halkaasi
Kismaayo Jan 07 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in xalay Magaaladaasi lagu weeraray guri uu daganaa sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan Magaaladaasi.
Dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday guriga sarkaalka oo ku yaalla xaafada Calanley uu ahaa mid bomaanooyin ah waxana la sheegay in hal askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa uu ku dhintay qaar kalana ay ku dhaawacmeen.
Kooxihii bomka ku tuuray guriga sarkaalka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen mana jiro ilaa iyo hada cid loo soo qabtay bomka lagu tuuray guriga sarkaalkan.
Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Axmed Madoobe ee Raaskambooni iyo kooxo la rumeysanyahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Dadka deegka ayaa sheegay in iska hor imaadka ay wax ku noqdeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobta la isku fara saraay waxaana la sheegayaa in hada ay soconayaa howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka soo qaaday.
Maalmihii danbe ayaa waxa aad u soo badanayay falalka amni daro ee ka dhacya Magaalad Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose waxana gacanta ku haya Raaskambooni iyo CiidamadaKenya.
SDN-Kismaayo