Sarkaal Kiinyan ah oo loo xiray xiriir uu la leeyahay Al Shabaab
Likoni December 24, 2023 (QJ) -Ciidamada ammaanka Kenya ayaa la sheegay in Sabtidii ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ay ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabaab.
Sarkaalka la xiray ayaa ka howlgalayay deegaanka Likoni oo ka tirsan degmada Mombasa, wuxuuna ku howlanaa qorista askar cusub oo lagu xoojinayo ciidamada ammaanka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in shakiga laga qabo sarkaalka oo soo baxay ka dib xabsiga la dhigay, Baaritaanadii xigay ayaa lagu ogaaday inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, waxaana shaqsiga hadda uu wajahaya eedeymo la xiriira ku lug lahaanshaha kooxda xagjirka ah.
Kenya ayaa si firfircoon uga qeybqaadaneysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah ammaanka gobolka.