Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Somalia oo Gurigiisa Hub badan laga soo Qabtay Kaas oo la Sheegay in Lagu Gumaado Shacabka Somaliyeed DAAWO
Muqdisho 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka Ammaanka magalada Muqdisho ayaa xalay weerar ku qaaday guri ku yaala xaafada Buulaxuubey ee degmada Wadajir halkaasoo lagu sheegay in hubka si hoose dadka looga iibiyo.
Wararku waxay sheegayaan gurigaasi inuu degan yahay Sarkaal ka tirsan ciidanka DF kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdi Ileys waxana ilaaladiisa iyo ciidanka DF dagaal ku dhexmaray xaafadaasi.
Dagaalkan ayay wararku sheegayaan inuu socday mudo kaasoo rasaas xoogan la is waydaarsaday sidoo kale ilaalada xildhibaano iyo waardiyayaal goobo ganacsiga oo xaafadaasi ku yaala ayaa rasaasta dhinacooda ka ridayay kuwaasoo mooday in lasoo weeraray.
Warka kasoo baxaya wasaradda Amniga DF ayaa lagu sheegay howlgalkasi ugu danbayntii in lagu soo qabtay hub aad u faro badan oo lagu sheegay in lagu gumaadi jirin shacabka magalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Khaliif Maxamed Erag ayaa sheegay hubkan ay gacanta kusoo dhigeen inay yihiin kuwo dadka lagu dhibaateeyo ayna soo qabashadooda gacan ka gaysteen shacabka xaafada Buulaxuubey.
Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa ku ammaanay qaabka ay ciidanka ammaankan hubkan faraha badan ay gacanta ugu soo dhigeen wuxuna sheegay inay muhiim tahay xoojinta wada shaqaynta ciidanka iyo shacabka magalada Muqdisho.
Xaalada ammaan ee magalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay noqotay mid faraha kasoo baxaysa ka dib markii ay sii bateen dilalka tooska ah ee lagu hayo shacabka iyo xildhibaanadda DF.
Muqdisho SDN/QJ