|

Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Axmed Madoobe Oo Xalay Kismayo Lagu Dilay

 

Kismayo:April,28,2014(SDN/QJ)-Sarkaal Boolis ah oo ka tirsan Maamulka Jubba Land ayaa Habbeenkii xalay lagu dilay Magaalada Kismayo.

BASTOLADSarkaalkan oo aan wali  magaciisa la sheegin ayaa koox Hubaysani ku toogteen Aagga Impeatoria oo ka mid ah Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismayo.

Lama garankaro wali cidda ka dambaysay Sarkaalkaas, balse waxa la sheegayaa in Kooxdii dilka Geysatay iska carareen Goobtii oo aan wali cid loo qabanin.

Dilalka ayaa si weyn ugu soo badanaya magaalada kismayo, iyadoo inta badan dadka la dilaa u badan yihiin dadka magaca leh ee Deegaankaas ku dhaqan, waxana dhawaan magaalada Lagu dilay salaadiin caan ahayd oo aan wali ciddii dishay la garanaynin.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa la tacaalaya mucaaradad kaga timi dhinaca kooxo uu hoggaamiyo Barre Hiiraale, iyadoo ay dhinaca kalena kooxaha Shabaabku dilal qorshaysan Magaalada ka sameeyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com

Comments are closed