Sarkaal Cusub Oo Qaramada Midoobay U Soo Magacowday Arrimaha Somalia
New York:31-Dec-2013 (SDN)-Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa Philppe Lazzarini u magacaabay Ku-xigeena Wakiilka Gaarka ah ee Somalia u qaabilsan, isla markaana ka shaqayn doona Isku xidhka Arrimaha Bani’aadanimda.
Mr. Lazzarini, ayaa u dashay dalka Switzerland, wuxuu la shaqeyn doonaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM, Nicholas Kay,kaasoo madax u ah howgalka QM ee Somaliya (UNSOM).
Golaha Ammaanka QM ayaa howgalka UNSOM yagleelay bishii May waxana loogu talagalau in si hagaagsan u isku xidho taageerada beesha caalamka ay siiso dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Mr. Lazzarini, ayaa horre u ahaa isku duwaha arrimaha bini’aadinimada Soomaaliya tan iyo bishii March ee sannadkan 2013, sidoo kale wuxuu howllo waaweyn oo dhinaca gargaarka ka soo qabtay Soomaaliya.
Ka hor inta aanu ku biirin QM Mr. Lazzarini wuxuu la shaqeeyay hey’adda caalamiga ee laan qayrta (ICRC) Koonfsurta Sudan, Beirut, Amman iyo Gaza. Sidoo kale wuxuu madax u ahaa howlgalka ICRC ee waddamada Bosnia, Angola iyo Rwanda.
S.D.N