|

Sarkaal Ayaamo Ka Sii Maqnaa Shaqo uu Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ka Hayey Oo Xalay Faro Ciddiyahood Kaga Badbaaday Isku Day Dil

Hargaysa:17-March-2014(SDN)-Wararka Hoose ee ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com ayaa sheegay in Habeenkii Xalay uu Agaasimihii hore ee Waaxda Qorshaynta Dhulka Dawladda Hoose Cabdilaahi Aw Cali Axmed uu Si Dirqi ah ugaga Badbaaday isku Day dil oo lala Beegsaday.

BASTOLADCabdilaahi Ubax ayaa la Sheegaya in Xalay Fiidkii hore xilli uu Gurigiisa ku sii Socday ay Koox Hubaysani Dhexda u Galeen, kuwaas oo Rasaas Oodda Kaga Qaaday, balse uu ka Badbaaday Rasaastaas Lagu Riday.

Cabdilaahi ayaa dhacadaas ka dib la hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta Dalka, waxana uu xusay inuu caafimaad qabo oo uu ka Badbaaday arrintaas, khasaaraha soo Gaadhayna uu Ku kooban yahay kaliya Gaadhigii uu watay oo Rasaastii isga lagu waday ay ku Habsatay.

Dabayaaqada Bishii ina Dhaaftay ayuu Maayarka Caasimaddu Xilkii Agaasiminimo ee uu Cabdilaahi ubax hayey ka qaaday, waxana uu Haatan sii Maqnaa muddo aad u kooban.

Dhacdadan ayaa ku sii Beegmaysa xilli Hore badhtamaha caasimadda Loogu dhex rasaaseeyey Xildhibaano iyo Waliba Dadkale oo Mansab ku leh qaranka, kuwaas oo aan ilaa iyo Hadda wax Tallaabo aanay Hay’adaha Ammaanku ka qaadin Arrimihii lagula Kacay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed