Saraakiisha Maamulka Amaanka Baladweyne oo faah faahin ka bixiyay Amaanka Magaaladaasi
Baladweyne Jan 24 2013 (SDN)– Saraakiisha ciidamada Booliiska ee Gobalka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalo ballaaran oo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen Magaalada Beladweyne.
Taliyaha ciidamada Booliiska Gobalka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay si joogto ah maalin waliba howlgal uga sameeyaan gudaha Magaalada Beladweyne.
Wuxuu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka Magaalada isaga oo tilmaamay in ciidamada maalin waliba ay gacanta kusoo dhigaan dad lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan falalka lidiga ku ah Magaalada Beladweyne.
Taliyaha ayaa sheegay in iminka ciidamada Dowladda Soomaaliya ay baadigoob ugu jiraan sida uu tilmaamay rag lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan amnidarada Magaalada Beladweyne kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaya sida uu sheegay xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi.
Howlgalka ayuu sheegay inuu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo ammaanka Magaalada oo ay ciidamada Dowladda xaqiijiyaan sida uu tilmaamay.
Baladweyne-SDN