Saraakiisha howlgalkaAtlantaiyo Jabuuti oo kawada hadlay Ciribtirka kooxaha burcad badeeda Soomaalida
Brussels Jan 01 2013 (SDN)– Saraakiisha Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Somaaliya iyo Saraakiisha ciidamada Badda ee dalka Jabuuti ayaa kawada hadlay si yaabaha ugu haboon ee lagu wajahi karo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qaraabta xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan iyo sidii la isaha kaashan lahaa yareynta qatartooda.
Kulanka oo ka dhacay Markab dushiisa ayaa waxa uu qaatay labo isbuuc islamarkaana mid xasaasi ah oo inta badan lagu lafa gurayay dhibaatada burcad badeeda iyo sidii la isaga kaashan lahaa,waxaana mas’uuliyiinta isku afgarteen adkeynta amaanka xeebaha Soomaaliya.
Madaxa ciidamada Howgalka Atlantaee Soomaaliya Rear Admiral Pedro García de Paredes iyo Taliyaha ciidamada bada DJabuti oo kulankooda ahaa mid xasaai ah ayaa waxaa hoosta looga xariiqay in sanadkaan cusub uu noqdo sanadkii ugu danbeysay hadal haynta kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo beesha caalamka ay ka qeyliyeen iyo wadanka jabuuti kaalinta kaga aadan ee ay ka qaadan karto dagaalada.
Waxa uuna taliyaha ciidamada howgalka Atlanta ee Soomaaliya ayaa shaca ka qaaday la joogteeyo xariirka ika dhaxeeya ciidamada Badda Jabuuti iyo waliba kuwa Midowga Africa ka socda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ee iyagu sheegta in ay la dagaalamaan burcad badeda,isagoona hadalkiisa ku daray in ay xitaa sameynayaan tababaro iyo qalabeyn ay u sameynayaan ciidamada Jabuuti.
Brussels-SDN