|

Saraakiisha Ciidanka Madheera(Kenya) Oo Ka Hortegay Qaraxyo Lagu Aasay Badhtamaha Magaalada

Mandheera:08-March-2014(SDN)-Hoggaanka Sare ee Booliska Magaalada Mandheera ee Kenya, ayaa sheegay in Qarax aan Waxyeelo geysanini uu ka Dhacay Magaalada, balse ay fashiliyeen kuwo kale oo Badhtamaha Suuqa lagu Diyaariyey.

Coast Provincial Police Officer Aggrey Adoli addresses the public following the killing of six members of the Mombasa Republican Council (MRC) in the Kenyan coastal town of MalindiTaliyaha ciidamada booliska ee Mandheera ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen waxyaabaha qarxa kuwaasi oo ku aasnaa magaalada badhtamaheeda, lana doonayay in amaanka lagu qalqal geliyo, balse Qaraxaas Hore ka dib ay Ogaadeen in kuwa kale ay diyaarsan yihiin.

“Ciidamadeena iyo saraakeesha ayaa qarax kasoo bixiyay magaalada ku taala xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo aan wali qarxin”sidaasi waxaa yidhi Mr Rotich taliyaha booliska Mandheera.

 

Wuxuu sheegay in ujeedada laga lahaa qaraxaasi uu ahaa in lagu weeraro ciidamada booliska ee xuduuda ku sugan, sida uu hadalka u dhigay taliyaha booliska Mandheera.

 

Ciidamada booliska xuduuda ku sugan ayuu sheegay inay ku jiraan inka badan 30 sarkaal kuwasi oo ka qeyb qaadanaya amaanka dhanka xuduuda.

 

Dhanka kale wuxuu taliyaha sheegay inay baadhitaano ku wadaan qaraxii Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Xuduuda ku taal ee Mandheera, isagoo sheegay inaysan jirin cid ilaa iyo loosoo xidhay.

Qaraxyadan noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca Magaalooyinka ku Teedsan Xuduudda ay Somalia iyo Kenya wadaagaan, waxana  muddadii ay Kenya Gudaha u gashay Somalia Goobahaas lagu Laayey Saraakiil badan oo Kenyan ah, halka qaar kalena la qafaashay.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed