Saraakiil Sare Oo Ka Socota Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta ee CPJ Oo Booqanayo Wariyayaal Turkiga Ku Xidhan
Ankara:Oct,02,2014(SDN/QJ)-Xubno Wasti ah oo ka Socda Guddida Ilaalinta Saxafiyiinta ee CPJ oo ay wehelinyaan xubno Machadka caalamka saxaafadda u qaabilsan, ayaa lagu wadaa inay dhawaan Booqdaan wariyayaal ku xidhan Dalka turkiga.
Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo dhawaan booqday magaalladda New York, kana qeyb galay Shirkii Golaha Guud ee QM, ayaa si rasmi ahaan u oggolaaday inuu la kulmo wafdi Ka socda CPJ.
Warbixinta CPJ soo saartay sannadkan 2014, waxay kaloo ku soo qaateen dadaalkooda ku aadan Badbaadinta iyo Sare-u-qaadida Khibradaha Saxaafadda, waxayna xustay in CPJ oo kashanayso Hay’adda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO iyo Dalladda Midowga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (the Somali Independent Media Houses Association) Tababar Xilliyeedu qabteen Tifaftirayaasha ka hawlgala Somalia.
Warbixinta CPJ waxay soo dhaweysay tallaabadii ay Maamulayaasha dalka Masar ku sii daayeen Suxufiyiinta kala ah Hussien Hassan Subxi iyo Ahmed Aljos, kuwaasi oo hore loo xidhay bishii February ee la soo dhaafay.
Waxay kaloo cambaaraysay xukunka 15-ka sanno ee lagu riday Saxafiga Calaa Abdifatah oo la xidhay bishii June ee la soo dhaafay.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay weli 11-saxafi ku xidhan yihiin Xabsiyadda dalka Masar.
Xigasho: CPJ
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com