|

Saraakiil ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo soo Dhamastay Tababar Dhinaca Diblomaasiyadda ah oo ay ku Qaateen Turkey-ga

Ankara April 02,2015(SDN/QJ)-5 Xubnood oo ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha iyo Hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland  ayaa soo dhamaystay tababar dhinaca diblomaasiyadda iyo shaqada dibadda ku saabsan oo ay bixisay Akademiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkey-ga.

Tababarkan oo socday muddo lix maalmood ah (23rd-28th March) laguna qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkey-ga ee Ankara ayaa hawlwadeennadda Wasaaradda lagu tababaray duruus kala duwan  la xidhiidhay arrimaha diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafka iyo qodobo ku aroora. Waxa sidoo kale aad loogu darsay tababarkan macluumaadka xagga xidhiidhka iyo iskaashiga dibadda iyo dhaqaalaha Turkey-ga.  Waxana ka mid ahaa casharada la qaatay:-

  • Shuruucda mabaadii’da guud ee habmaamuuska (General Protocol Rules)
  • Maamulka safaaradaha/qunsuliyadaha (Embassy administration)
  • Xidhiidhka Turkey-gu la leeyahay Afrika (Turkey’s relations with Africa)
  • Iitjaaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda Turkey-ga ee heer gobol iyo heer caalami
  • Dhaqaalaha  iyo Xidhiidhka Dhaqaalaha Dibadeed ee Turkey-ga (Turkey’s  economy and foreign Economic relations)
  • Gargaarka bini’aadanimo iyo iskaashiga horumarka (Humanitarian Aid and Development Cooperation)
  • Dhexdhexaadinta (Mediation)
  • Diblomaasiyadda Bulshada (Public Diplomacy)
  • Nabadgelyada Caalamiga ah iyo Nabad Ilaalinta (International security and peace keeping)
  • Xirfadaha Wada Xaajoodka (Negotiation skills)
  • Abaabulidda Shirarka Caalamiga ah (Organizing of international meetings)
  • Diblomaasiyadda iyo Samaynta Siyaasadda Dibadda (Diplomacy and foreign policy making)
  • Hannaanka Wada Xidhiidhka Diblomaasiyadda iyo Luuqadiisa (Diplomatic correspondence and language)

Waxa kale oo barmaamijka tababarka qayb ka ahaa booqashooyin iyo kulamo ay hawlwadeennada Wasaaraddu ku tageen xarumaha Hay’adda TIKA iyo Machadka Dhaqanka ee Turkey-ga (Yunus Emre Cultural Institute) halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta hay’addaasi oo kulamo la qaateen. Waxa sidoo kale barmaamijka ku jiray booqashooyin dalxiis iyo waaya aragnimo oo ay hawlwadeennadu ku soo mareen  Maxfadda Turkey-ga ee Ankara (Ataturk Museum), Masjidka Buluugga ah, xaruntii Boqortooyada Cusmaaniyiinta (Sultanahmed) iyo Madxafka Xaajifa Soofiya (Hagia Sofia Museum)  ee magaalada Istanbul.

 

Hawlwadeenada/diblomaasiyiintan ayaa mudadii ay joogeen waxay la kulmeen Jaalliyadda iyo Ururka Ardayda Somaliland ee Turkey-ga oo ay soo dhawayn ballaadhan kala kulmeen, kana wada hadleen arrimo khuseeya danaha jaalliyadda/ardayda iyo xidhiidhka Somaliland iyo Turkey-ga ee xagga waxbarashada, dhaqanka iwm iyo sidoo kale u diyaargarawga xuska 18 May ee soo socda iyo qorshayaasha kale ee jaalliyaddaas.

Hawlwadeennada Wasaaradda ee tababarkan ka qaybgalay waxay dalka dib ugu soo laabteen 29th March, 2015 sida ay noo  xaqiijisay Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

Warkan waxa loogu talo galay in lagu baahiyo warbaahinta qaranka iyo saxaafadda madaxabannaanba

Source:  Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

 

 

Comments are closed