Sannadka 2016 oo Amisom ay Gebi ahaanba Somalia ka baxayso
Muqdisho 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ku-simaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Lydia Wanyoto Motende ayaa shaacisay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya marka la gaarayo sanadka 2016.
Lydia Wanyoto oo la hadashay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan gacan ku haynta amniga Soomaaliya.
Waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay xoojinta ciidamadeeda, ka hor inta laga gaarayo xilliga ay AMISOM ka baxayso Soomaaliya.
Waxy tilmaamtay in AMISOM ay saraakiisha ciidamada Soomaaliya siisay saddex tababar oo ku saabsan howlaha nabad ilaalinta iyo sidii loo dhawri lahaa xuquuqda aadanaha, ayna eegi doonaan sida ciidamada dowladda Soomaaliya ay ula wareegaan gacan ku haynta ammaanka dalka.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com