Sannad Guuradii 32’aad Ee Kasoo Wareegatay Geeridii Muj. Maxamed Mooge Liibaan Oo Caawa Ku Beegan
Hargeysa,3,6,2016 (QJ/SDN) – Naxariistii Janno Alle haka waraabiyee waxa caawa oo ay taariikhdu tahay 4 bisha june sanadka 2016 ku beegantahay sannad guuradii 32’aad ee kasoo wareegatay markii uu geeriyooday Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan [Baban].
Waxaana caawa oo kale taariikhdu marka ay ahayd 04-june-1984-dii lagu dilay Mujaahid Maxamed Mooge deegaan ka tirsan magaalada Dhagax-buur ee dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxa uu ahaa macallin, heesaa, laxamayste, halgamaa, waxaana uu ku dhashay magalaada Hargeysa kuna barbaaray yaraantiisii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay, ka hor intii aanu hantiyin dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ahaa macallin ka tirsan wasaarada waxbarashada jamhuuriyadii Soomaaliya, wuxuu hoobal soo shaac baxay noqday sanadihii todobaataneeyadii, waxa taliskii Soomaaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyeen sanadkii 1971kii ka dib markii talisku ku eedeeyay in aanu u jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega boobay taladii dalka, intii uu dalka gudihiisa joogay waxa uu ku heesi jiray heeso si dadban uga soo hor-jeeday taliskii Maxamed Siyaad Barre.
Todobaataneeyadii ayuu si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaana uu in muddo ah ku noolaa dalka kiiniya iyo dalka ingiriiska, ka dib markii uu naftiisa uga maaro waayay inay ka indho qarsato durbaanadii beenta ahaa ee loo tumayay Siyaad Barre.
Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee Siyaad diidka ahaa (SSDF) ayuu ku biiray, waxaana uu ahaa hoobalkii ugu horeeyay ee qaaday hees cod ah oo si badheedh ah uga soo hor jeedda taliskii Siyaad Barre. Sida heestii ahayd “ lix iyo labaatankii juun ku lednay, kowdii luulyo liibaanay iyo labaatankii October leeleelay”.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo wakhti hore wax laga waydiiyay noloshii iyo shakhsiyaddii Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan ayaa waxa uu yidhi; “Maxamed Mooge wuxuu ahaa nin naftiisa u hanweyn, xarrago badan. Xarragadiisa iyo hanweynidiisa maansooyin iyo gabayo badan oo jira oo rag ay leeyihiin ayay ku soo arooreen. Nin naftiisa u hanweyn oo aan dhacdhaca aqoon, oo aan hunguriga u shaqaynin. Wuxuu ahaa nin hayalsan, oo dabeecad wanaagsan, oo marka si walba loo eego ka hufan turxaanta iyo cilladaha bina’aadanka ku noqda dhaliilaha waaweyn ee marka danbe saameeya noloshiisa. Wejigiisa had iyo goor waxa ka muuqan jirtay wejifurraan, farxan, heelanaan”