|

Sanca: Wasiirka Gaashaandhiga Yemen oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ah iyo khasaaraha uu sababay

Sanca 11, September 2012 (SDN)- Ugu yaraan 10 ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Salaasada maanta ka dhacay caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

Siday sheegeen masuuliyiinta dawladda Yemen, qaraxa waxa lala beegsaday wasiirka Difaaca dalkaas Mr. Mohammed Nasir Ahmad.

Siday ku warantay qaybta afka Ingiriisida ee idaacadda VOA, ugu yaraan shank a mid ah ilaalada Wasiirka ayaa ku dhintay qaraxaas oo meel u dhow xarumaha dawladda ee caasimadda Sanca.

Ma jirto markiiba sheegatay masuuliyada qaraxaas, kaasoo yimi maalin uun ka dib markii masuuliyiinta dawladda dalkaasi shaaciyeen in hoggaamiyihii saddexaad ee shabakada Al-Qaacida ee Yemen lagu dilay hawlgal ciidan.

Wasaaradda Difaaca Yemen waxay Isniintii shalay sheegtay in Siciid Al-Shehri oo u dhashay dalka Sucuudigu uu ka mid ahaa dhawr maleeshiyo ah oo lagu dilay hawlgalkaas ciidanku fuliyay oo ka dhacay gobolka Xadra-mawt ee wadanka Yemen.

Qurbejoog.com, Sanca

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed