Sanadguuradii 29aad ee Mujaahid Ibraahin Koodbuur ku Badbadiyay kornayl Cabdilaahi Askar12/4/1983 oo si weyn looga xusay London
(London 16/4/2012) Xaflad aad loo soo abaabulay oo lagu xusayo sanad Guradii 29aad ee lagu xasaey Mujaahid Ibraahin Kodbuur Hawlgalkii Birjeex Ee Lagu badbaadiyey 12/4/1983 Corneel Cabdilaahi Askar Alle Haw Naxariiste.
Xafladan oo aad loo soo Agaasimyey ayaa waxa Ka Soo Qayb Galay Mujahiidntii SNM ee Ku Sugan Wadankan Uk oo Ka kala yimid Dhamaan Gobalada Uk Ayaa Ugu Horayntii Waxa lagu Furay Ayaado Quraana.
Xafaladan oo ah mid ka duwanayd Xafladahi Hore Ayaa waxa Dadwaynahii Goobta Isagu yimid Faraxad iyo Qimayn Galisay Markii Ay la kulmeen Marwooyinkii labada Mujaahid Ee Hawlgalkaa Ay Fuliyeen labada Mujaahid Alle Haw Naxariiste Mujaahid Cabdilaahi Askar Iyo Mujaahid Ibraahin Kodbuur waxa kale oo halkaa lagu daah furay Urur Samafal oo Lagu Magac Daray Ibraahin Koodbuur oo Dhidibada ay u Asastay Marwo Khadra Yusuf Xaaskii Mujaahid Ibraahin Kodbuur Iyo Caruurtisii oo lagu Caawin Doono Agoomaha iyo Naafadii SNM.
Kinsi-xaaskii a
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen mujaahidiin saraakiil SNM oo ka mid Yahay Mujaahid Axmed Mire oo ka hadlay Halgankii SNM iyo Tariikhdii uu Ku lahaa Mujahid Ibraahin Kodbuur taas oo dadkii Qiiro Gelisay oo Halkaa Dadwaynihii Aad Ilmo Indhahooda Ku arkaysid.
waxa kale oo goobta ka Hadlay Mujaahid Mijir Qaadi , Ciid Cali salaan , Mujaahid Dolaal, Maxamed Yusuf ,Xaji Cabdiraxmaan Yusuf iyo Axmed Laydhsi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Warabe iyo Marti Sharaf Badan.
waxa xusid mudan in munasabadan oo aad u qiimo lehayd ay kulmisay Asxaabtii Marxuum Ibraahin Kodbuur oo u Horeyo Macalnkiisii Dugsiga Hose Sheekh Cumar Ceesh oo ka hadlay Tariikhdii Marxuunka yarantisii iyo sidaa ugu Dadaali Jiray Xaqa Tacliintisa.
waxa kale goobtga ku sugnaa Saxibadii oo dhamaantood ka shekeyey Tariikhda Halgamaha Mujaahid Ibraahin Kodbuur Iiyaga oo wada xusay ,waxa kale oo goobta joogay caruurtii uu ka geeriyoday Marxuumka oo dadkii farxad galisay , gabagabadii Marwo munasabada ayey Khadra Yusuf Xaskii Mujaajid Ibraahin Kodbuur u Mahad Celsay dhamaan Marti Sharaftii isku timid madasha.
SDN-London