|

Sanad Guurada 10aad ee Aasaaska Telefishanka HCTV oo Hargaysa lagu Qabtay {SAWIRO}

Hargaysa 29.May (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay Weheliyaan Shirgudoonka Labada Gole ee Baarlamanka,Madaxda Xisbiyada Qaranka,Siyaasiyiin,Aqoon yahano, Madax dhaqameedyo iyo Marti Sharaf kale ayaa maanta ka qayb galay Xus loo sameeyay Sannad Guurada 10aad ee Ka soo Wareegtay Markii la Aasaasay Television-ka  HORN CABLE TV,Taas oo Maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimada Hargaysa .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Hambalyo uga diray Horn cable Tv, Xuska iyo Dabaal Dega 10 Sanno Guuradooda Waxaanu Madaxweynuhu kula dardaarmay inay ilaaliyaan Mihnada Saxaafada isla markaana ay Si Dhex dhexaadnimo ah u tabiyaan Wararka iyo Macluumaadka kale ee ay bulshada u bandhigayaan.

Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali ayaa dhiniciisa ka warbixiyay duruufihii uu Mudada Tobanka Sanno ah soo maray Telefishankan isagoo amaan iyo Bogaadin u soo Jeediyay Hawl wadeenada ka hawl gala Laamaha kala duwan ee Telefishankani ku leeyahay Wadamada Dibada oo Muujiyay Dadaal iyo Haf hurid.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed