|

SAMO-TALIS: Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 5aad‏

Waa qormadii 5aad ee taxanaha SAMO-TALIS: Talo-nabadeedka iyo Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), waxaynu ku eegaynaa saamixii iyo kulankii dhex maray Xaaji CABDI iyo ninkii aabbihii dilay, inaga oo ka qaadayna halkii ay sheekadu shalay inoo joogtay.

Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socday waxa ay markiiba qoryaha ka saareen xabbadihii ku jiray ee ay ugu talo-galsanaayeen in ay dilka ku fuliyaan, geelii ayay reerkii la waraabiyeen oo ay la xareeyeen, markii ay dhammaatay hawshii waraabinta iyo xaraynta xooluhu, waxa ay Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socday ku laabteen darmadii loo dhigay, waxa loo keenay wankii loo qalay, wixii Alle uga calfay ayay wankii ka cuneen, ka-dibna waa ay seexdeen.

 

Waagii ayaa beryay, Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socday way bariisteen, berigaas lama aqoonin shaahan hadda salaadda hore la cabbo, ee waxa wiilashii loo keenay caano geel oo la soo lisay, xoorkuna duulayo, caanihii ayay dhameen, markii geeli kala dareeray ayuu Xaaji Cabdi u yeedhay Cismaan Guuleed oo ah ninkii la rabay in la dilo, waxaanu Xaaji Cabdi ku yidhi “Awoow kolkii hore waxaanu u soconay in aanu ku dilno, qoryaha xabbadahaa noogu jiray, kolkaad darroorintii noo quudhi wayday, ayaan anna xabbadii kuu quudhi waayay, imakana waxaan isu rogay in aan inan kaa guursado, oo aad inan i siiso, oo aad Aabbe ii noqoto“. Markii uu Xaajigu hadalkaas ka dhawaajiyay, Cismaan Guuleed wuu argagaxay oo wuu naxay, qof la yidhi dilkaaga ayaa loo socdayna waa la dareemi karaa sida uu u naxayo, Cismaan madaxa ayuu u salaaxay, waanu dhunkaday Xaaji Cabdi, waxaanu yidhi “Waan ku siiyay inantii, oo inantaas yar ee hadda naaska laga daayay ayaan ku siiyay“.

Inanta Xaajiga la siiyay waa inan markaas yarayd, da’deeduna waxay dhawayd laba sanno, Xaaji Cabdi waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa inan ah aqalkaa aan galnay, bahahaaga kale waxba ka dooni maayo’e”. Cismaan waxa uu jawaabay “Waan ku siiyay“,

Xaaji Cabdi ayaa mar kale ku tiraabay “Qorigana iga qabo“, waxaanu doonay in uu Cismaan oo hadda soddog u noqday ku wareejiyo qorigii uu markii hore damacsanaa in uu ku dilo. Cismaan waxa uu yidhi “Xaasha”, waanu diiday in uu qoriga ka qaato Xaaji Cabdi, Cismaan waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi isaga oo la hadlaya Xaaji Cabdi “Waxaan kuu ballanqaadayaa in aanan inantaa siinin cid kale, adiga oo fasaxa inanta ama dhinta maahaane, qorina kaa qaadi maayo, ee sidaas beeshii ku wargeliyoo, raalli ku noqo, inantuna way yar tahay, adna waad yar tahay ee isa suga inta aad koraysaan“. Cismaan Guuleed waxa uu galay ballantaas culus ee ah in uu Xaaji Cabdi siiyay mid ka mid ah hablaha uu dhalay, Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socdayna waxa ay ku laabteen beeshoodii ay ka yimaaddeen, ee markii horeba soo dirtay, soona abaabushay.

 

Markii ay beeshii ku laabteen Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socday, ee ay uga warrameen waxa dhacay iyo in aanay soo dilin Cismaan Guuleed ee ay qaateen nabadgelyo iyo saamax, raggii ambabixiyay way u duceeyeen wiilashii soo laabtay iyaga oo aan dil geysan, waxayna ku muusoodeen “Idinkaa naga talo roonaa, kolna Xuseen ma yimaaddeen, Ilaahoow adaan Cismaan Guuleed nagu dhagarayn“. Abaabulayaashii mudakarka ahaa ee wiilasha safriyay way u duceeyeen inamadii.

Xaaji Cabdi iyo inantii maalintaas la siiyay waxa ay kala maqnaayeen toddoba iyo toban gu’, 17 gu’ ka-dib ayuu  u yimi Cismaan, inantiina uu la aqal-galay. Inanta la siiyay  waxay ahayd Faadumo Cismaan Guuleed, oo u dhashay afar iyo toban carruur ah, kuwaas oo hadda ay ka nool yihiin shan ka mid ah, sagaalka kale way xijaabteen, qaar ka mid ahinawaxa ay ku dhinteen dagaalladii dalka ka dhacay 1988-1996, tafiir badan ayaanay ifka ku sagootiyeen.

 

Hawshaas nabadaynta ah iyo saamaxaadaa ballaadhan ee uu maalintaas fidiyay Xaaji Cabdi waxa ay saamayn muuqata ku yeelatay noloshiisa oo ku salaysnayd intii dambe  nabad-doonnimo, saamaxaad iyo aar gudasho la’aan. Xaaji Cabdi isaga oo ka hadlaya sida ay hawhaas nabadaynta ahi saamaynta ugu yeelatay noloshiisa waxa uu yidhi “ Hawshaasi saamayn noloshayda way ku leedahay, kolka aad kacdo “qaangaadh noqoto”, dee waa inaad ama nin dhiblaw ah noqoto, ama nin aslaax ah noqoto, anigu (Xaaji Cabdi) nin dhiblaw ah kuma kicin, waxa taa ii xigay waxa aanu jaar ahaynoo aanu is dilaynay niman Ogaadeen ah, oo Reer Cali la yidhaahdo illaa geelayaga la igu galo, oo xeradayada la igu soo doontana anigu ka wax doonta ma ahayn“.

La Soco Qaybta 6aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

Comments are closed