SAMO-TALIS: Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 4aad
Waa qormadii 4aad ee taxanaha SAMO-TALIS: Talo-nabadeedka iyo Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), waxaynu ku eegaynaa saamixii iyo kulankii dhex maray Xaaji CABDI iyo ninkii aabbihii dilay
Inkasta oo Xaaji Cabdi aabbihii lagu dilay dagaal muddo ka hor dhacay (1905), waxa lix iyo toban sano kaddib, kuna beegan 1921-kii lagu taamayay sidii loogu aargudi lahaa, loona dili lahaa qofkii uu gacantiisa ku baxay Xuseen Yuusuf. Caadooyinka Soomaalida ee la durona waxa ka mid ahaa “aanada”. Waxaana jirta odhaah tidhaahda “Haddaan loo aarin, miyaa loo ooyi?”.Aargudka la qoyshaynayaana caadadaas ayuu ku abtirsanaysaa. 100% Si sax ah looma tilmaami karo cidda gulufkaas ku qudh-goysay Xuseen Yuusuf, laakiin waxa ay dadka intooda badani rumaysnaayeen in uu dilay Cismaan Guuleed, oo ka mid ahaa beeshii la dagaallamaysay beesha uu Xuseen Yuusuf ka tirsan yahay. Taasna waxa marag looga dhigay iyada oo Cismaan Guuleed si weyn carrabka loogu adkayn jiray, oo uu Cismaan Guuleed magac ku helay in ay xabbaddiisu ku dhacday Xuseen Yuusuf, oo ahaa abaanduule iyo nin geesi ah oo caaqil ahaa, caanna ahaa. Taas aawadeedna uu halyeynimo ku helay dilka. Waxa kale oo caddayn noqonaysa in aanu Cismaan Guuleed dafirin falka loo tuhunsan yahay sida aynu ku ogaan doonno dhacdadan lagu qorsheeyay khaarajintiisa.
Xilliyadii uu Xaaji Cabdi kacaamay, kuna beegan abbaaro 1923-kii waxa la qabtay shir wayn, oo ay fadhiyaan rag markaas mudakar ahaa, shirkan waxa ay ujeeddadiisu ahayd sidii loo qorshayn lahaa habkii iyo ciddii u soo aargudi lahayd Xuseen Yuusuf, oo ahaa Xaaji Cabdi aabbihii oo lagu dilay colaad ka dhacday Hargeysa, waxaana la yidhi “ Colaadi hadda way dhamaatay, nabadina dhacday, dawladdii Ingiriisna waa tan oo way joogtaa, Xuseenna laga samri mayo, waa in Xuseen loogu soo aaro, oo loo dilo Cismaan Guuleed oo ay Xuseen ilma-abti ahaayeen” Xaaji Cabdi markaas waxa ka waynaa 1 wiil oo ay walaalo yihiin, 2 wiilna waa ay ka yaraayeen, guud ahaana waxay ahaayeen afar wiil oo walaalo ah oo Xaaji Cabdi ku jiro.
Waxaa la isku daray Xaaji Cabdi iyo laba wiil oo kale, kuwaas oo kala ahaa: Tahar Cabdilaahi Mire iyo Gahayr Cabdi Cilmi, oo labaduba ahaa xigtada Xaaji Cabdi. Saddexdoodaas ayaa loo diray in ay soo dilaan Cismaan Guuleed. Qoryo ayay qaateen, reerkii Cismaan Guuleed ayay gaadheen goor casar ah oo gaaban, Cismaan Guuleed wuu gartay wiilashii, waanu salaaamay, waayo Xuseen oo ahaa Xaaji Cabdi aabbihii waxa dhashay Duco Nuur Maxamed, ninkan la doonayo in la dilana waxa uu ahaa Cismaan Guuleed Maxamed oo waa ilma-abti labaad Xuseen iyo Cismaan, waxase la damacsan yahay in la isugu aaro.
Xaaji Cabdi waxa uu ahaa ninka gacanta leh ee la doonayo in uu dilka geysto, qorigana xabbadu ugu jirto, labada inan ee kalena waa u garboob, oo isaga ayay garab siinayaan. Waana caawiyeyaal gacan ku siinaya fulinta qorshaha ay u socdaan, looguna talo-galay in ay gargaaraan haddii xaajadu adkaato.
Waxay u baqooleen hawlgalkii loo diray. Jidka wax ay sii lugeeyaanba waxa ay gaadheen baradii uu deggenaa Cismaan Guuleed, oo ahayd meel miyi ah, dhinaca barina ka xigtaBanka Xarshin. Cismaan inamadii saddexda ahaa ayuu fadhiisiyay, inamadina way isu sheegeen cidda ay yihiin, waanu gartay inamadii. Cismaan waxa uu wiilashii u loogay, kuna sooryeeyay wan, isaga oo waydiiyay waxa ay doonayeen, iyaguna waxa ay u sheegeen in ay geel-doon yihiin oo ay raadinayaan geel cararay, iyada oon wali inamadii martida ahaa wankii loo qalay loo keenin, darmadiina loo dhigay, dabna loo shiday, ayaa waxa soo daatay roob.
Xaaji Cabdi iyo wiilashii la socday waxa ay roobkii ka galeen aqal laba-deryaale ah oo u dhisnaa Cismaan Guuleed, xabbadiina waxay wali ugu jirtaa qoryaha, inkasta oo aqalka ay wiilashu galeen uu guri weyn ahaa, aqalki waxa uu soo daayay darroorintii roobka, waayo xilligaas shiraaqyo iyo baco may jirin. Cismaan Guuleed waxa uu soo qaaday Harga-waalli, laga samayn jiray Hargaha weylaha oo la isku tolay, oo laga iibsan jiray dhinaca Galbeedka. Hargawaallidii waxa uu Cismaan dusha ka saaray labadii wiil ee Xaaji Cabdi wehelinayay, Xaaji Cabdina waxa uu korka ka saaray Masalle cusub oo uu lahaa, sababta uu Cismaan wiilasha u saaray Hargewaallida iyo Masalluhu waxa ay ahayd in aanay darroorintu wiilasha kaga dhicin maryaha, kolkii roobki in door ah da’yayay, ayuu Cismaan Geelii iyo adhigii u sii daayay si ay roobka uga soo cabbaan, dumarkina haamihii ayay la yaaceen si ay u soo dhaamiyeen, maxaa yeelay xilligaas may jirin barkado biyaha lagu kaydiyaa.
Markii ay hawshu halkaas marayso, ayay Wiilashii Xaaji Cabdi la socday yidhaahdeen “ Dee waa goortii aynu Cismaan xabbada la eegan lahayn, ee aynu qudha ka jari lahayn”, Xaaji Cabdina waxa uu ugu jawaabay “ Waar qoryaha xabbada ka bixiya( xabbada ka saara), waar ma ninka darroorin inoo quudhi waayay ayaynu xabbad u quudhnaa ? Haddiiba se aan imaka Cismaan dilo, Aabahay Xuseen Yuusuf ma helayaa, oo dib aabahay adduunka ma u imanayaa? . Ninkan rixin baanu nahay, waalid buu ii yahay, wixii dhacayna qaddar bay ahaayeen, aabbahayna Alle ha ka dhaafee dagaal buu ku jiray, aniga oo nool aniguna wax ma weydiinayo. cid kalena wax ma weydiin karto. Waar ninkan isagaan Aabbo ka dhiganayaa’e qoryaha xabbada ka bixiya”. Markii uu Xaaji Cabdi hadalkaas yidhi, ee uu wiilashii la socday u sheegay in ay qoryaha xabbada ka saaraan, dilkii loo socdayna aanay fulin, ayaa waxa hadlay wiilkii u weynaa saddexda wiil ee Xaaji Cabdi la socday, waxaanu yidhi “ Wallee anigu nacasnimadaada sidaas waan kaa filaayay”, oo uu macnaheedu yahay waan kaa filayay in aad u aar goyn weydo Aabbahaa. Wiilkii kale ayaa se markiiba isaguna bixiyay jawaab kale oo yidhi “Walaahi isaga (Xaaji Cabdi) ayaa inagaga jooga ee qoryaha xabbada ka bixiya, kuwa inna soo dirayna rag may ahayn, innaguna maynaan dhaamin, ee isaga(Xaaji Cabdi) ayaa inagaga jooga (inaga saxsan) ee qoryaha xabbada ka bixiya”.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com