SAMO-TALIS: Dareen-celinta Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland iyo Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qaybta 14aad
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Suldaan C/Laahi waxa uu ka mid yahay hal-doorka aan wax ka weydiiyay shakhsiyadda, aqoonta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe). Isaga Suldaan Maxamed ii qaabilay si maamuus leh waxa uu dareenkiisa ku cabbiray sidan:
“Xaaji Cabdi illaa yaraantaydii waxa ay aqoon isu lahaayeen qoyskayga. Aniga oo yar oo arday ah ayuu maalin nala kulmay annaga oo ciyaal kale is-haysanna, oo la i leeyahay Ina Dhabbeeyoow, markaasuu i gartay, ina qabtay, oo aabbo ayay is-yaqaanneen oo xilligaas qurbaha ku maqnaa, taas ayaanu nagu xidhiidhin jiray. Waxa uu ka mid yahay Guurtida oo door fiican ka qaadatay nabadayntii Somaliland oo guddoominaysay shirarkii Boorama, Burco, Berbera iyo Sheekh lagu qabtay 1991-1993kii. Waxaanu ka wada qayb galnay shirkii Somaliland ee Burco 1991-kii. Shirkii Booramana furistii iyo xidhitaankiisii ayaan joogay, intii uu socdayna ma joogin, oo waxaan uga maqnaa waxaan idhi “Meel laba nin oo Isaaqi ku tartamayaan, lama odhanayo Suldaan Maxamed ayaa midna raacay, midna diidday, kii la doortaba Suldaan baan u ahay, isaguna madaxweyne ayuu ii yahay”.
1994-kiina raggayagii hawdka tegay, aakhirkii waddadiisii ayaanu ku soo dhacnay, oo nabaddii uu qaatay ayaa la wada qaatay. Shirkii Hargeysa ee 1997-kiina waanu ka wada qayb galnay. Xaaji Cabdi waxaan leeyahay Ilaahay cimrigiisa ha u barakeeyo, caafimaadkana ha u siyaadiyo, waan u ducaynayaa. Waa qof dadka runta u sheega, xumahana ka waaniya, cidna aan dhib la jeclayn. Aynigaasi illaa maanta hadalkiisu wax is-dhaaf ah malaha, wax turxaan ah malaha. Waa oday aan aad u ixtiraamo, oo aan tababar badan ka qaatay. Waxyaabo badan oo aan ka maqlay ayaan ku dhaqmaa. Wax guula mooye, wax guul-darro ah kalama kulmin marnaba. Waanooyin iyo talooyin badan ayuu intaa i yidhaahdaa.
Hadday dadku ii yimaaddaan, oo ay wax iiga sheeggaanna, maalinta aan isla helo Xaaji Cabdi iyo qofkii wax iiga sheegayay, ayaan kii warka ii keenay ku idhaahdaa waa kan Xaaji Cabdi innala jooga, ee ku caddee waxaad sheegaysay, markaasuu nin walbaaba yidhaahdaa waa maxay kan aan waxba qarinayni. Maalinta uu baxo, reerkaa uu ka dhashay kaalin weyn ayaa ku bannaanaan doonta. Rag badan oo fikrad xun ka bixin jirayna way is-qoomamayn doonaan. Laakiin anigu waxaan leeyahay xurmaa la isku leeyahay, odaygaaga haddaanad xurmaynna naf yeelan maysid, oday waliba inta uu xurmayn ka helo dadkiisa ayay ummadda kalena ugu soo joogsataa. Haddaad maalin walba gidaad ka caydo, isaga caydu waxba ma yeelaysee, adiga ayay naaqusnimo kuu tahay.
Waa nin af-tahan ah oo dadka ugu jilib-dhiga kuna garnaqsada codkarnimo. Raggu waa isu faanaa, marka la isu faanayo isagu waa helayaa meesha uu ka kala ka cadhoonayo, faro haddii layga badan yahay, anna wixii iga farabadan sidaas ayaan u liqaa markuu leeyahay waa run. Waa qof markuu hadlo ummadda dhankuu doono u dhaqaajin kara, isaga oo weliba aan buugna akhriyin, waxna qorin. Colaad iyo nabad intaba wuu u soo taagnaa.
Muhiimad weyn bay leedahay qoraalka taariikhdu, in laga been abuuro, oo wax aan jirin lagu dardarana maaha. Reer Somaliland waa in guri wada seexata, oo iska wada war haysa. Haddii reer walbaaba wax aan jirin uu sheegto waxay noqonaysaa ummad digo iyo dambas kala iibsanaysa. Taariikhdana been lagama sheego, iyadaa is-qorta taariikhdu, wuxuun bayse dadku ku dedaalaan in ay qurxiyaan. Berri waxaad arkaysaa nin sheeko kuu sheegaya, saadambena sheeko kale kuu sheegaya, markaa adigu waad arkaysaa ta la isku hallayn karo ee runta ah. Markaa nin kasta oo taariikhda xumee ama wanaaji is-yidhaahdaaba taariikhdu waa taariikh, soo-jireen baa jira, cidina ma qori karto wax aan jirin.
7.1.2 Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Suldaan C/Laahi
© Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.
La Soco Qaybta 15aad haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com