SAMO-TALIS: Dareen-celinta Suldaan Xasan SULDAAN C/RAXMAAN ee Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 9aad
Suldaan Xasan SULDAAN C/laahi Suldaan C/Raxmaan oo ah suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal waxa uu ka mid yahay hal-doorka aan wax ka weydiiyay aqoonta uu u leeyahay Xaaji Cabdi-Waraabe, iyada oo ay Xaajiga soo wada shaqeeyeen illaa 5 Suldaan oo qabtay xilka uu Suldaan Xasan hayo, isaguna uu ka mid yahay. Waxaanu dareenkiisa ku cabbiray sidan hoose
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Alxamdullillaahi Rabbil Caalamiin.
Waa su’aal muhiima in la xuso hal-doorka iyo ragga mar walba ka shaqaynayay ee halkaas soo gaadhiiyay nabadda, islaaxa, tasliixa iyo hawlaha geeddi-socodka intii dhaqankeennu soo-jireenka ahaa ragga muhiimka ku ah in mar walba la xuso oo wax laga qoraa waa muhiim, inta ay nool yihiin iyo haddii ay geeriyoodaan labadaba. Al-Xamdullillaah, Xaaji Cabdi Xuseen maanta waa xay, waa nool yahay, in la ururiyo taariikhdiisuna waxa ay dhaxal-gal u noqonaysaa jiilasha dambe, oo wax loo wada joogo oo xaadiraba bay noqonaysaa intii laga sheekayn lahaa marka uu geeriyoodo.
Xaaji Cabdi Xuseen reerkan uu ka dhashay iyo Reer Diiriye Garaad Boon oo aan ka soo jeedo anigu, xidhiidh qotodheer oo xagga dhaqanka ah ayay lahaayeen. Xaaji Cabdi xilliyadii Ingiriiska waxa uu la jaanqaadayaa Suldaan C/Raxmaan Suldaan Diiriye Garaad Boon, welibana intii dambe ayay isku soo gaadhayaan markan uu caaqilka noqday. Aqoon fiican ayay isu lahaayeen. Talooyin badan ayay isugu yimaaddeen. Arrimo farabadan oo ah sidii dadka wada dhashay arrimahooda looga shaqayn lahaa ayay isugu yimaaddeen. Si khaasa waxay u wada shaqeeyeen, oo ay isula jaanqaadeen aabbahay Suldaan C/Laahi Suldaan C/Raxmaan oo ay si fiican uga wada shaqeeyeen arrimihii nabadaynta, hadday Reserved Area oo dhawr mushkiladood ka dhaceen, halkaas oo ay bilo ku wada dhaxeen halkaasi, iyaga oo ka shaqeeyay nabadda beelihii halkaa deggenaa ee Reer Sheekh Isaxaaq, Garaxajis iyo Ogaadeenka oo ay dhawr jeer u baxeen way jirtay.
Dalka markii lagu soo laabtay iyo intii dibadda la joogayna waxay wada shaqayn buuxda yeesheen Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye oo saldannadan aan xilkeeda hayo ku fadhiyay. Waxay kasoo wada bilaabeen meel hoose oo aanay waxba jirin, laga soo bilaabo Aasaaskii Guurtida ee Cadaroosh oo 1988-kii ahaa. Suldaan Saxardiid iyo Xaaji Cabdi waxa ay isla soo mareen arrimo badan, waxay dhidibbada u aaseen qarankan maanta aynu hayno ee S/Land iyo beelihii wada dhashay sidii loo nabdayn lahaa. Shirarkay soo wada mareen waxaan ka xasuustaa Shirkii Tawfiiq ee Sheekh lagu qabtay oo shirarka Somaliland ugu caansanaa. Halkaas Xaaji Cabdi iyo Suldaan Saxardiid door muhiima ayay ka qaateen. Waa kii sababay in shirka Boorame la qabto. Haddana waxay Xaaji Cabdi wada shaqeeyeen AHN Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye oo isaguna dhawaan geeriyooday.
Laba qoys ma kala nihin Xaaji Cabdi, isaga ayaa idiin sheegaya. Xaaji Cabdi waxa uu yidhi ”Reer Suldaan Diiriye iyo Reer Xuseen waa hal iyo nirigteed”. Sida aanu Reer Suldaan Diiriye Xasan u nahay qoyska oo kale ayaanu isugu xidhannahay, oo aanu mid isku nahay, iyaga iyo qoyskan Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo Ba-dahabo la isku kaaya yidhaahdo, oo laba Suldaan ilmaabti ahaayeen, laba Suldaanna habro-wadaag ahaayeen, laba caa’iladoodna aad garan karto in Jaambiir iyo Jaambiir ku wada jiraan, oo islaan ayaan magacyada u wada bixin jirtay. Oo isaguna xagga hiddaha iyo qaraabada aanu ka soo jeedno ayuu ka oo galayaa, oo xidhiidho waawayn baa jira oo aasaasaasi ah. Oo xaggii taariikhda isaguna waa hayaa, annana waa haynaa, oo aabbihiibba sheegay sida aanu isu nahay oo yidhi waa hal iyo nirigteed. Mar haddaanu hal qoys nahay ma noqonayso goormaad is-barateen, ee waligayo waanu is ahayn.
Xaajiga waxaan ku xasuustaa talooyin badan iyo shirar badan oon wada galnay ma jiraan. Waayo, aniga ayaaba saldannada laba sanno oo qudha haya. Dhacdooyinka aanu wada galnay waxa ka mid ahaa safar aanu ku tagnay Jabuuti, 2009-kii markaas oo ay Beesha Isaaq casuumad u sameeyeen Ugaaska Beesha Ciise. Beesha Ciise waxay soo xidhanayeen, oo ay nagu soo hor-fadhiisanayeen laba go’ oo cad cad iyaga oo ah 44 xubnood oo Gande la yidhaahdo. Xaaji Cabdina wuxuu nagu amray in aanu laba go’ oo cadcad xidhanno dhammaan, kaas oo aanay rag badan oo nala socday hore u xidhan. Annaguna waxaanu ahayn salaaddiin guud, abwaanno, guurti iyo ganacsadeyaal waawayn oo Isaaq ah. Xikmad badan ayaana kaaga kordhaysa arrinkan, oo waxaad moodaysaa in aad xajkii joogto.
Isma-qoriyo ummadda qofka xiniinta leh, ee geed-joogga ahi, geed-joogguna waa garasho reer ayaa la yidhaahdaa, Xaaji Cabdina geed-jooggaas ayuu ka soo bilaabay. Halkaasuu qarankii iyo beelihii kale uga soo gudbay. Taariikhduna waa xasuus, adduunkuna waa taxane, inahaas ayaan kelmadda aad i weydiiseen ka odhan lahaa
Suldaan Xasan Suldaan C/Laahi Suldaan C/Raxmaan, Hargeysa, Julaay 2010
saedmgahair@hotmail.com