SAMO-TALIS: Dareen-celinta Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ee Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 8aad
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ah Madaxweyne ku-xigeenkii Koowaad ee Somaliland ahna Guddoomiyeha Ururka Xaqsoor waxa uu ka mid yahay masuuliyiinta aan weydiiyay aqoonta ay isu leeyihiin Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-Waraabe. Wakhtigaasi waxa uu ahaa July/2011. Mujaahid Xasan Ciise tixgelin weyn ayuu siiyay codsigaygii, waxaanu dareenkiisa ku cabbiray sidan
Xaaji Cabdi waan maqli jiray illaa intii aan yaraa, oo kollay Reer Hargeysi intan maanta way ka yaraayeen, intan aan weynaadayna waxa iigu horreysay Xaaji Cabdi, markii Hargeysa laga soo baxay 1988-kii, ee dibadda loo baxay weliba markaas may ahayne, muddo ka dib ayaa Xaaji Cabdi iigu horreysay. Markii uu dhacay shirkii Madaweyn ee guurtida uu hadda ka mid yahay loo qabtay dabadeed ayaa iigu horreysay. Xaaji Cabdi waa nin mashhuura (caan) ah oo dadka badankiisu wada yaqaannaan, waxaanu caan ku yahay odaynimada iyo samo-taliskaas aad sheegayso (magaca buugga). Dadka iyo beelaha dhexdhexaadintooda iyo heshiisiintooda ayuu caan ku yahay. Ilaahay ha u barakeeyo’e hawl muhiima weeye. Hawshan islaaxa ah, ee samo-taliska ahi waa hawl muhiima, oo Diinta Islaamka wax loo dhigaa ma jirto, oo cibaadada marka laga hadlayo samo-talisku waa kaalin qaali ah, oo waa derejo, xaggaasna odayaasha caanka ah ee Somaliland ku caan baxay ayuu ka mid yahay.
Markii uu ka mid noqday guurtidaas oo ahayd guurtidii labaad, guurtidii kowaad waxay ahayd mid la aasaasay ku sinnaan 1982-1983kii oo waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Xasan Bulbul, guurtidaasu mudduu shaqeeyay, markii dambe ayuu guurtidaasi yara kala tegay. Markii dambe ee 1988-kii ayaa guurtidan labaad la sameeyay, guurtidaa labaad ee uu Xaaji Cabdi ka mid noqday waxa uu u shaqaynayay ujeeddooyinkii guurtidii kowaad, ujeeddadaasina may ahayn mid samo-talis ah, waxay ahayd mid dagaal-talis ah, oo halgankii SNM ayaa loogu talo-galay in ay kaalin kowaad ama kaalin muhiim ah ka qaataan, hadday noqoto raashin keenis, ciidan keenis, beelo abaabulis, dadka midayntooda iyo wixii khilaaf yimaadda dhammayntiisa, waxay ahaayeen aalad sidii guurtidaa hore aanu ugu talo-galnay in ay halganka gacan buuxda siiyaan, ee nabad iyo samo-talis may ahayn. Samo-talisku wuu ku dhex jiray halganka gudihiisa, laakiin waxay ahayd halganka riixiddiisa iyo dadka abaabulkiisa, taas ayuu iyana Xaaji Cabdi qayb libaax ka qaatay.
Dabadeedna laba sanno ka dib, markii Shirweynaha SNM lagu qabtay Balligubadle 1990-kii ee aniga iyo C/Raxmaan Axmed Cali naloogu dhiibay hoggaanka SNM ayaanu wada-shaqayn toos ah wada yeelannay, intii aynu u diyaar garoobaynay soo gelista waddanka. Markii aynu waddanka soo galnay ee Alle innagu guuleeyayna si toos ah ayaanu u wada shaqaynaynay, muddadii aanu xilka haynay oo dhan illaa shirkii Boorama. Markaa kaalinta uu Xaaji Cabdi Somaliland ugu jiraa, waa kaalin aad iyo aad u qiimo badan. Waana nin wax-garad ah, waa nin af-tahan ah, waana nin muddakar ah, oo waayo-arag ah. Waxa la yidhaahdaa waayo-araggu waa Jaamacadda kowaad ee adduunka, dad badan oo waxgarada waa la helayaa, dad badan oo aqoonyahana waa la helayaa, laakiin waxyaabaha la isku dhaafo waxa ka mid ah waayo-aragga, waayo-araggu waa muhiim, waayo xikmad ayuu la fadhiyaa.
Wadashaqayntii aanu yeelannay Xaaji Cabdi intii dalka aynu soo galnay kuwa ugu muhiimsan waxa ka mid ahaa, markii aynu dalka wax yar joognay ayaa la isku yara yaacyaacay, oo uu Burco dagaal koobani ka dhacay, xilligaas C/Raxmaan Axmed Cali dalka wuu ka maqnaa. Xaaji Cabdi waxa uu hoggaaminayay raggii odayaasha ahaa ee aan Hargeysa ka diray, ee Burco tegay, markii ay halkaas gaadheenna arrinkii gacanta ayay ku dhigeen, waanay qaboojiyeen, arrinkaana mahad weyn ayaan ugu hayay. Markaa Allaahuma Salli Calaa Nabiyiinaa Muxamad. Kaftankana aniga Xaaji Cabdi wuu ii hagaajiyaayoo. Xaaji Cabdi baan beri dhexdaas ah qolooyin soo wada hadal qaadnayoo, markaasaan idhi, aniga Xaaji Cabdi hadda waa ninkii hooyaday markii la guursanayay bixiyay, AHN dhammaan waalidka oo dhan’e. Dabadeed nin meesha fadhiyay ayaa yidhi “Wallaahi haddaa Xasan Ciisoow intayadan reer magaalka ah ee meesha jooga adaa ugu da’ yar, waayo nin kale oo ninkii hooyadii bixiyay uu nool yahay ma jiro” markaasuu weliba ku daray, “keliya ma noola’e wuu dhalayaa weliba”, oo waxay ahayd markii uu inankiisa u dambeeyay u dhashay, ee BBC-da laga sheegay, wakhtigaas ayay dabadeed ahayd, “markaas sidaas ayuu welibana Xasan Ciise u da’ yar yahay” ayuu yidhi.”
Xasan Ciise Jaamac, Madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee Somaliland, Guddoomiyeha Urur ka XAQSOOR, 28/07/2011, Hargeysa
© Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com