|

SAMO-TALIS: Dareen-celinta Cali Maxamed Warancadde ee Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 10aad

Siyaasiga caanka ah ee Cali Maxamed Warancadde waxa uu ka mid yahay masuuliyiinta aan wax ka weydiiyay shakhsiyadda aqoonta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) waxaanu dareenkiisa ku cabbiray sidan
“Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Horta Xaajigu nin dadka ka lumaya maaha. Yaraantiisii ayuu caaqil noqday. Markaa anigu Hargeysa ayaan ku dhashoo Xaajiga si wanaagsan ayaan u aqaannay. Xaajiga waxyaabaha runtii aadka loogu yaqaanno waxa ka mid ah, maadaama oo uu isagoo yar xukunka qabtay, oo uu la soo dhaqmay rag aad uga waawayn oo cuqaal ahaa, waxa uu ka dhignaa sidii nin jaamacad ama iskuul ku jiray, waxaana igu maqaalo ah in uu wax badan ka bartay, dhegaystayna raggii waaweynaa ee u talin jiray beelaha Somaliland. Maadaama oo da’diisu yarayd oo aanu hadalka iyo arrimaha ugu horreyn karin.Waana waxyaabaha keenay in uu noqdo nin cabqari ah, oo isaga maanta jira boqol iyo dheeraad taladiisa iyo garashadiisa ay dadku aad u majeertaan.

Aniga intii aanu Xaaji Cabdi hawl wada galnay, ee aanu talo isugu nimi waxa iigu horreysay muddadii laga shaqaynayay nabadaynta Somaliland. Marka laga yimaaddo intii Dawladda Faqashta, intii uu la shaqaynayay SNM iyo intii dagaallada, annagu intii aannu wada galnay talada, runtii waxa uu ahaa nin aad u nabad jecel. Waa nin xikmaawiya. Waa nin ku dedaala in ay beeluhu nabad ku wada noolaadaan, oo had iyo jeer maslax ah oo wanaagga iyo nabadda ku faro-adayga. Waa nin aan la gabban hadalka uu isleeyahay waa xaq

Anigoo sidaa sheekadiisa u hayay, markii koowaad ee aan ogaaday in uu geesi yahay. Maalin maalmaha ka mid ah, xilligii lagu jiray nabadaynta ayaanu ciidan gaadhaya 500 iyo dhawr iyo gaadhi keennay Berbera, annaga oo doonaynay in la qarameeyo. Waxaanu ballansanayn xukuumadda 09:00 arooryo, oo ay saacaddu marayso 03:00 galabnimo, oo intaa la leeyahay nimankaasi ma aha niman nabad doonaya, ee waxay doonayaan in ciddii u tagta ay qoorta ka jaraan, oo cid nagu soo dhacda la waayay. Labada nin ee keliya ee noo yimi ahaayeen Xaaji Cabdi Waraabe iyo C/Raxmaan Aw Cali Faarax “Tolwaa”, oo isa soo miidaamiyay sidii baanay arrintaasi u noqotay muftaax Somaliland ku heshiisho.

Maalin maalintaas ka horreysay ayaa annagoo nabad-doon ah ayuunu Hargeysa yimi, dabadeedna waxa naloo shiriyay labada gole, kadib waxa kacay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Xaaji Cabdina waa fadhiyaa, iyadoo shirkii la fadhiyo ayuu Ina Cigaal bahal canaan ah igala daalay, wuxuu yidhi “Waar ma ninkii aan is-lahaa magaalada (Hargeysa) uga dhig maayarka, oo isagu magaaladii gubay, oo waddankii sidaa u baabiiyay, ayaa maantana i leh nabad baan doonayaa?. Ma iyadoo 700 nin oo aad halkan Cabbaaye ku dishay gacmaa taagayaan, oo cammuuddii lagu shubayweli gacmaa kala soo jeedaan, ayaad leedahay maantana nabad baan doonayaa?.

Markaasaan ka daba hadlay madaxweynihii, waxaan ku idhi “Madaxweyne anigu dagaalka maan gelin, laakiin haddaan galo waxaynu isku qabsan doonnaa xeradan madaxtooyada, ee nin dibadda kaa soo tuurtuuraya ma ihi”. Kadib waxa kacay AHN Cagadable oo yidhi “Ina Cigaaloow adaan dadka kuugu necebahay, maalinta aanu eryanno Habar Yoonis ama Garaxajis, ee aanu is-nidhaahno soo qabqabta, ayuun baad odhanaysaa ka daaya”. Kolkaasuu Cigaal ku yidhi “Waar waxba ku hadli maysid, dagaalna waxba ka tari maysid ee fadhiiso”. Dabadeedna waxa kacay Xaaji Cabdi oo aad iigu hiiliyay markuu arkay inaan xanaaqay, Cigaalna aan ku idhi “Waad arki doontaa, ee bal nabadda diid”. Xaaji Cabdi wuxuu yidhi “Abti waa beer, Ina Warancaddoow waa abtigaa Ina Xaaji Ibraahin Cigaal, wuu ku tolniimo-cunayaa. Ha xanaaqin inan yar baad tahaye. Wuxuu doonayaa inaad nabadda ka shaqayso”. Hadda waa ninkii igu qaadqaaday. Cigaalna waxa uu ku yidhi “Ina Cigaaloow,  Ciidagale illaw, Habar Yoonis inteeda kalena illaw, nimankaa Isaxaaq haddaad la heshiiso waddanka nabad ayaa ku soo noqonaysa, meeshana nabadgelyo ayaad ku fadhiyaysaa”. Markaasay anna cadhadi iga yara baxday mar hadduu iga dhigay raggii libaaxyada ahaa.

Waa nin runta iyo waxa xaqa ah aan ka gabban, kana xishoon. Runtii waa nin taariikhda Somaliland baal dahab ah kaga qormaya. Waa nin xikmaawi ah, oo Ilaahay xikmad siiyay, illaa maantadaas oo uu boqol sanno ku dhaw yahay ayaad la yaabaysaa hadalladiisa iyo sida uu ummaddiisa taladeeda halka ugu horreysa kaga jiro. Waxa uu la mid yahay oo uu baro-dheer yahay raggan aynu taariikhaha adduunyada ku akhrisanno. Waddankana runtii dib-u-dhiskiisa iyo dib-u-heshiisiintiisa waxa uu ka soo ka soo qaatay kaalin aan la qiyaasi karin. Wakhtiyadii Siyaad Barrena iyadoo dadka la xidhi jiray, haddana isagu hadalka lama gabban jirin.

Markaa waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland waa in ay bartaan taariikhdooda. In kastoo isaga taariikhdiisa la isku raacsan yahay, haddana ragga qaarkood oo taariikh wanaagsan leh ayaad mooddaa in xasad taariikhdooda loo aasayo. Ninka taariikhda wanaagsani waa hanti ummadda Somaliland leedahay. Isagana waxaan leeyahay Ilaahay caafimaadka ha u daayo, cimrigana ha u dheereeyo. Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe) waa nin la xasuusan doono mustaqbalka. Wasaalaama Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh”

 

7.1.12           Cali Maxamed Warancadde,Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, 08/02/2012, Hargeysa, Somaliland.

 

 © Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.

La Soco Qaybta 11aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Comments are closed