Samira Xaashi:Waxaan isweydiiyay sidey Nolosheydu noqon leheyd hadii aan dalka Sii joogi lahaa?
Muqdisho May 02,2012(SDN)-Gabadha Soomaaliyeed ee caanka ku ah xayeysiinta dharka ee Samira Xaashi ayaa markii u horeysay dalka dib ugu noqotay 18 sanadood ka dib.
Samira ayaa Soomaaliya ka tagtay tiyoo sadex jir ah in yar uun ka dib kolkii ay dalka ka bilowdeen dagaaladii sokeeye.
“Soomaaliya waxaan ka gadhanayay uun waxa aan TVga ka daawado,macaluul,abaaro,gaajo,Burcad-badeed iyo colaad”ayay tidhi Samira.
Samira ayaa sheegtay in kolkii ay kortay ay dareentay in wax ka maqan yihiin,waxaanan isweeydiiyay sidii ay nolosheydu noqon leheyd hadii aaney Hoyadey ila soo cararin oo aaney London i keenin?
Samira ayaa booqatay xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Doolo Cado ee Kenya iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxa ay booqatay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay sheegtay in amaankeeda aad loo sugayay.
Samira waxa ay sheegtay in Haween ay isku da’a yihiin ay uga cawden Kufsi iyo caruurtoodii oo la laayay.
Samiira Xaashi ayaa sidoo kale booqatay Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo inkasta oo ay aad ug a nabdoontahay inta badan degaanada gobolka hadan gudniinka fircooniga aad looga dhaqmo.
“Safarkeygii Soomaaliya waxa uu ahaa mid i maan qaaday,ujeedadeydiina waan ka gaadhay oo waxaan booqday dhulkeygii Hooyo,fikradna waan kala imi xaalada halkaa ka jirta”ayay Samiira tidhi.
Safarka Gabadhan ayaa qeyb ka ah barnaamij ka bixi doona BBCda dhawaan.
SDN-Muqdisho