Saldhig Boolis oo Hargaysa ku yaala oo Bad baadiyay Ilma yar oo Markii uu dhashay Hooyadii Suuli ku riday
Hargaysa 14.March 2014 (SDN)- Saldhiga Daloodho ee waqooyga Hargeysa ayaa saaka oo Jimce ah ku Guulaystay in uu badbaadiyo Ilmo yar oo xalay dhashay oo Hooyadii markii ay Umushay ku riday Suuli ku yaala guri u dhaw Saldhiga.
Mustafe Maxamuud Maxamed oo ka mih Askarta saldhiga Daloodho ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Taliye ku-xigeenka saldhigaasi Mustafe Xuseen Maxamed iyo Ciidanka Saldhigaasi ay badbaadiyeen Nolosha Ilmo yar oo xalay dhashay oo ay Hooyadii ku riday Suuli ku yaala guri u dhaw, kaasoo ay ugu talo gashay in ay disho.
Askraiga Saldhigaasi waxa uu sheegay Ilmaha yare e ay badbaadiyeen oo Wiil ah in ay u soo sheegeen qoys xaafada Suuligooda lagu riday degan kuwaasoo mid ka mid ahi markii uu Salaada Subax u toosay ee uu Suuliga galay qaylada Ilmaha yar maqlay, waxaanu sheegay markii ay qaylo dhaantu u timi in ay shaaalaha Dawladda Hoose donteen si ay Suuliga u jabiyaan.
Mustafe waxa uu sheegay in illaahay ku guuleeyey Ilmihii yaraa oo Nool oo aan waxba qabin in ay ka soo saareen Suuligii isla markiibana ay ku wareejiyeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa si loogu xanaaneeyo Caafimaadkiisana loogu daryeelo.
Askarigaasi waxa uu sheegay in ay u hayaan danbigaasi laba qof oo guriga ku sugnaa ilaa hadana ay baadhitaan ku hayaan. Isagoo xusay in ay cajiib ku noqotay qadarka ilaahay sida ay Hooyada ilmahaas yar dhashay ugu talo gashay in ay u disho iyo sida uu Illaahii abuurtay u badbaadiyey.
Dadweyne aad u farabadan ayaa manta ku ururay guriga ilmaha yar Suuligiisa laga helay ka hor intaan laga soo saarin, iyadoo illaa hadana dadweynaha sheekadan maqlayaa gurigaasi usoo booqanayaan sidoo Godkii dhawaan lagu aasay gabadhii lagu Dilay Hargeysa.
Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh eek u soo badanaysa Caasimadda Hargeysa, taasoo ay maalinba maalinta ka danbaysa ku soo badanayaan Danbiyada Dilka dhagaraysan ee Bini’aadanka aan waxba galabsan laga galayo.
Dhawaan waxa Hargeysa laga helay laba Carruur ah oo Meyd ah kuwaasoo Hooyooyinkii dhalay ay tuureen, wallow mid ka mid ah Dumarkii falkaas ku kacay la qabtay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com