|

Salaadiinta sheegay inay qabanayaan Shir weyn oo beeshoodu ku arinsanayso {DHAGAYSO}

Hargaysa 10.April (SDN)   Qaar ka Mid ah Salaadiinta Beesha Sacad Muuse ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargaysa waxa ay ku sheegeen inaanay Waxba ka jirin Go’aano ka soo baxay Shir dhawaan lagu qabtay huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa waxaa kale oo ay cadeeyeen inay qaban doonaan Shir ay beeshoodu yeelanayso.

Salaadiintani waxaa kale oo ay Xuseen in Shirkani uu yahay mid dhaqan oo aan Siyaasad wax lug ah ku lahayn .

Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan C.raxmaan ayaa ugu horayn Madashaasi hadal dheer ka soo jeediyay isagoo sheegay in cid aan iyaga ahayni aanay ku hadli Karin afka beesha waxaa markaas kadib hadalka la wareegi doona Salaadiintii kale ee Shirkaas ku sugnayd ee dhagaysi haboon.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SALAADIIN.mp3″]

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed