|

Safiirkii Soomaaliya ee Turkiga Max’ed Mursal oo laga soo celiyay dalka Holland isagoo goosanaya

Ankara May 09 2013 (SDN)— Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaa dalka Holland laga soo celiyay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga.

Safiir Max’ed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay in isaga iyo caruur uu dhalay laga soo celiyay dalka Holland halkaasi oo ay ku gaareen Basaboor Gariig ah oo dalxiis muujinayay.

Xubno ka tirsan safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in hada Max’ed Mursal Sheekh C/raxmaan dib loogu soo celiyay Ankara madaama ay dowladda Holland diiday in ay soo dhaweyso.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in safiirka uu aha mid ka goo’sanayay dowladda Soomaaliya madaama uu ka war helay dhawaan in xilka laga qaadi rabo oo qof kale loo soo Magacaabi rabo.

Max’ed Mursal Sheekh C/raxmaan aya ahaa shaqsi ay siweyn isugu dhaw yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

SDN-Ankara 

Comments are closed