Safiirka Soomaaliya ee Kiinya oo shir uu ku sugnaa Wakiilka Somaliland isga baxay
Nairobi (QJ) – Safirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa maanta isaga baxay shir uu safiirada caalamka ee kenya Fadhiya uu ku casuumay Madaxeyne Uhuru Kenyatta.
Safiir Tarsan ayaa shirka ka baxay kadib markii uu soo goobta soo gaaaray wakiilka Somaliland u jooga Kenya taas oo buuq badan dhalisay kadibna keentay inuu shirka ka baxo.
Wakiilka oo uu horyaalo calanka Somaliland ayaa shirka ku sugnaa, sidaa awgeed ayuu shirka uga baxay safiir Tarzan sida uu sheegay diplomacy u shaqeeya safaarada Somalia.
Kiinya oo cilaaqaad xun la laheyd dawladii Maxamed Farmaajo ayaa sanadihii ina dhaafay soo dhaweysatay Somaliland iyo qaar ka mid ahaa maamuladii ay ishayeen Villa Somalia.
Dawladaha Kiinya iyo Soomaaliya ayaan weli ka hadal dhacdada maanta Nairobi ka dhacday ee ka careysiisay safiir Tarzan.