|

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo beeniyay in Soomaalida lagu qasbayo in ay dib u laabtaan

Nairobi Jan 04 2013 (SDN)— Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo lahadley warbaahinta ayaa beeniyay in dadka Soomaalida ee mudooyinkan danbe gaarayey dalka soomaaliya in qasab looga soo saaray dalka Kenya.

Maxamed Cali Ameriko ayaa intaa ku darey hadalkiisa in Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ay kala hadashay Dowlada Kenya arinta ka bixida dadka soomaalida ee Kenya waxayna inoo sheegeen ayuu yiri inuu go ,aanka dhankooda ka yimid.

Wuxuu qeexay Maxamed Cali Ameeriko in waqti badan ay ku sugnaayeen Kenya shacabka soomaaliyeed ka dib marki Soomaaliya ay ugu so carareen dagaalo iyo colaad dabada dheeratey.

Hadalka Safiirka ayaa waxuu ka danbeyey ka dib markii dowlada Kenya ay sheegtey in dadka soomaalida aan heysan Sharci la geynayo xerooyinka qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya.

SDN-Nairobi

Comments are closed