Safiirka Somalia u fadhiya Kenya oo dalbaday in Gurmad lala gaadho dadka ku Nool Punt Land ee Duufaanadu haleeleen
Nairobi 13.Nov 2013 (SDN)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu baaqay Soomaalida gudaha iyo dibadda inay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay roob dabeylo wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland.
Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay kaddib markii uu maanta shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in la iscaawiyo marka ay dhibaato timaado, si loo muujiyo midnimada umadda.
Wuxuu xusay in xanuunka uu la wadaagayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo u tacsiyeeyay ehellada dadka ku geeriyooday musiibada.
Roob dabeylo wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen boqol iyo kow halka boqolaal kale ay ku guryo beeleen.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com