|

Safiir ka Socda Midowga Yurub oo Socdaal ku Yimid Somaliland iyo Waxyaabihii ay ka Wada hadleen Madaxweyne Siilaanyo {DHAGAYSO}

Hargaysa 21.May (SDN) Wakiilka Midowga Yurub ee Qaarada Africa mbassador Michele Cervone d’Urso ayaa maanta Socdaal ku Yimid Caasimada dalka ee Hargaysa isagoo Kulamo la Yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Ambassador mbassador Michele Cervone d’Urso iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxay Kulankoodaas kaga Wada hadleen Iskaashiga ka dhexeeya Ururka Midowga Yurub iyo Somaliland,iyadoo la isla qaatay in Midowga Yurub ay Si toos ah ula Shaqaynayaan Somaliland.

Safiirka iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyada ayaa Sheegay inay labada dhinac isla qaateen sidii loo sii xoojin lahaa Mashaariicda Horumarka iyo Kaabayaasha ay Somaliland ka Taageeraan Midowga Yurub waxaanay Xuseen in Wixii Mucaawimo ah ee Somaliland ka hesho dunnida ay si toos ah ugu Shubi doonaan Sanduuqa Horumarinta ee Somaliland,iyadoo lagu jaangoynayo baahida Somaliland.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CODKA.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed