|

Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ee Galbeedka Somaliland iyo Dareenadii Yaabka lahaa ee Ka Dhashay

Hargeysa:03-Dec-2013(SDN)-Safarkii dhawaan uu madaxweyne Siilaanyo ku Tegey Galbeedka Somaliland, Gaar ahaan Degmada Wajaale, ayaa shacabka Halkaas ku dhaqan geliyey Dareen  cusub oo aanay Hore u qabin.

wajaaleSafarkan oo ay madaxweyanaha ku wehelinayeen Wasiirradiisa ugu tunka weyn ayaa ahaa mid madaxweynaha iyo wasiirraduba ay ka jeediyeen khudbado kala duwan oo dadweynihii halkaas deganaa  loogu sheegayey waxyaabo kala duwan oo baahiyahooda la xidhiidha.

Shacabka reer Wajaale ayaa la yaabay inMadaxweynaha Somaliland oo safarkaas ka hadlay uu wax Ballan qaad ah u muujin waayo, isla-markaana uu halkaas ka  sheegi waayo waxa uu damacsan yahay inuu deegaankaas u qabto, maadaama uu halkaas xisbigiisu ka helay cod aad u badan, balse Beddelkeeda uu wasiir xirsi halkaas kaga dhawaaqo Ballanqaaddo uu ka hor akhriyey madaxweynihii talada dalka hayey.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi cali xaaji Xasan, ayaa madaxweynaha hortiisa ka sheegay inay xukuumaddu ku talo jirto inay Biyo u soo saarto Degmadaas oo ay ka saarto dhammaanba baahiyaha kala duwan ee haatan haysta, balse madaxweyne Siilaanyo ma uu soo Hadal qaadin wax waxqabad ah oo uu Geegaankaas u qabanayo xilligan iyo mustaqbalka midna.

Shacabka ayaa ku dhako faaray Hadalka Wasiir xirsi uu madaxweynaha waddanka hortiisa ka akhriyey, waxana ay intooda badan is weydiiyeen suurtogalnimada iyo dhiiranaanta xirsi ee uu madaxweynaha hortiisa ballanqaadyada ka samaynayo iyo meesha uu ka keenay Awoodda intaas le’eg.

Sidoo kale shacabka ayaa wali ka sii sheekaynaya sida uu madaxweyne  Siilaanyo oo inta badan lagu xanto inaanu talada waddanka gacanta ku hayini uu u aqbalay in hortiisa shcabkii soo doortay uu wasiirkiisu balllanqaadyo uga sameeyo isagoo taagan, isla-amarkaana aanu isagu waxba ku darsan ballanqaadyadaas.

Waxa ay shacabka intooda badani haatan Aamineed Odhaahyadii mucaaridka  ee ahaa inuu awood ballaadhan xukuumadda dhexdeeda ku leeyahay wasiir xirsi, islamarkaana  uu isagu gadhwadeen ka yahay mashruuc ama wax qabad kasta oo  xukuumaddu ku dhaqaaqdo.

Madaxweyne Siilaanyo ayey sidoo kale shacabku haatan ku sheegeen nin kaliya ku magacaaban hoggaanka dalka, balse ay cid kale  talada hayso oo  ay hortiisa waxa ay doonto ka ballan qaadayso.

Madaxweyne siilaanyo ayaa haddaba looga baahan yahay inuu dib ugu noqdo hannaankiisa hoggaamineed, islamarkaana aanu aqbalin in shacabkiisa hortiisa isagoo taagan wasiirradiisu ballanqaad  ku dhawaaqaan isaguna uu aamusnaan iyo ammaan kaliya ku mashquulo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed