|

Safar aan Hore loo shaacin oo Maanta Madaxweyne Siilanyo ugu baxay Berbera iyo Shil Baabuur oo Soo Gaadhay Wafdiga Madaxweynaha

24,Apr.2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Safar qarsoodi ah kutagay magaalada Berbera, safarkan oo ahaa mid aan la sii shacin, ayaa madaxweynuhu marku hargeysa ka baxayey waxaa aan sii raaciin wasiiradii badnaa ee sii raaci jiray marka uu safar u baxayo, dhanka kale baabuurta madaxweynaha ayaa ahaa mid kooban, waxana madaxweynaha Socdaalkiisa ku wahelinayey taaliyaasha ciidamada Booliska ee Somaliland iyo Milatariga Ismaaciil shaqale iyo Cabdilaahi fadal.

Safarkan madaxweynuhu ugu ambo baxay berbera ayaan la garanayn ujeedadiisa.

Wararka aanu ka helayno safarka madaxweynaha ayaa la sheegaya in ay tahay mid shakhsi, dhanka kale Dadweynaha reer Berbera ayaa ka warhelay uun madaxweynaha oo ku sugan magaalada Berbera.

 

Wararka kale naga soo gaadhay Magaalada Berbera ayaa sheegay in mid ah Mid ah Baabuurta Illaalada madaxweynaha iyo Baabuur kale oo Shicib leeyihiin in ay isku dhaceen, iyadoo halkaasi uu ka dhashay Khasaare soo kala gaadhay Labbada Baabuur, waxana la sheegay in dhaacawan uu jiro..

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed