Safaaraddii Maraykanku Ku Lahaa Tripoli Oo Kooxo Hubaysani La Wareegeen
Tripoli:Aug,01,Sep,2014(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan, ayaa la wareegay Xaruntii Safaaradda u ahayd Maraykanka eek u taallay Magaalada Tripoli.
Xilliga ay kooxdani la wareegaysay Dhismaha safaaradda, ayaanay joogin shaqaalihii Halkaas joogi jirey, maadaama Bilk a hor loo daad-gureeyey Dhinaca Dalka Tunisia.
Weerarkan oo Maalintii shalay lagu qaaday safaarada Maraykanka ayaa yimid kadib markii uu sii xoogeystay dagaalo maleeshiyaad iska soo horjeeda ku dhex maraya magaalada Tripoli iyo Benghazi oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Libya.
Inkastoo markii labaad muddo saddex sano gudahood ah la joojiyay shaqada safaarada Maraykanka, Haddana xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry waxa uu sheegay in aan la xidhin safaarada balse shaqaalaheeda la geeyay dalka Tunisia.
Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Libya ayaa sheegay in aan la bililiqeysan safaarada oo la ilaalinayay. Deborah Jones ayaa barta Twitterka ku sheegay in aanay wax dhibaato ah soo gaadhin safaarada.
Cajalad video ah oo laga daawaday YouTube ayaa lagu arkay rag faraxsan oo dusha sare ee dhismaha safaarada ka soo muuqda. Halka qaar kalana ay ku dabaalanayeen berkadaha lagu dabaasho oo ku dhex taal safaarada.
Maleeshiyaad ka mid ah kooxda la magac baxday Fajr Libya ayaa haatan haysata xarunta safaarada Maraykanka waxayna kooxdu sheegtay in ay badbaadinayso xaruntan oo ku taal dhinaca Koofureed ee magaalada Tripoli in la bililiqeysto.
February 2011 ayay safaarada Maraykanka ee dalka Libya joojisay howlaheedii kadib markii uu halkaas ka bilowday kacdoon taasoo ugu dambayntii sababtay in la afgambiyo hogaamiyihii mudada dheer soo maamulayay dalka Libya.Balse safaarada ayaa dib loo furay July 2011.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Obama ayaa aad uga taxadarayay shaqaalaha Maraykanka ee ku sugan dalka Libya kadib markii September 11 2012 lagu diley magaalada Benghazi Chris Stevens oo ahaa qunsul iyo saddex ruux oo u dhashay dalka Maraykanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com