Safaaradda Soomaalidu Ku Leedahay Yemen Oo Bilowday Diiwaangelinta Arday ka Faa’iidaysanaysa Deeqo Waxbarasho Oo Ay Heleen
Sanca:20-Aug-2013-(SDN)- Iyadoo ay soo kordhayaan Deeqa waxbarasho ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshadu ka helayso waddamada Carabta, ayaa Safaarada Soomaaliya ee wadanka Yemen, waxay bilawday diwaangalinta ardayda Soomaaliyeed ee dhamaysatay waxbarasha dugsiyada sare ee ku nool xerooyinka qoxootiga dalkaasi Yemen ku yaalla. .
Qunsulka soomaalida u fadhiya dalka Yemen Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay saxaafadda, ayaa tilmaamay in safaarada Soomaaliya ee wadanka ay soo gaadhayaan waalidiinta ardayda dhamaysatay dugsiyada sare ee dalkaasi ku yaalla ee aan awoodin in carruurtooda ay helaan waxbarasha heerka jaamacadeed ah, kuwaas oo doonay inay ubadkooda uga faa’iideeyaan fursadaha waxbarasho ee dawladda dhexe ee Soomaaliya ay ka heshay dalka dibediisa, taasi oo ay usoo marsiisay qunsuliyada Soomaaliya ee Cadan.
Qusulka ayaa daboolka ka qaaday in ardayda ka faa’iideysanayso deeqahaasi waxbarasho ee Yemen ku sugan ay imtixaanka geli doonaan dabayaaqada bishaan aynu ku jirno, isagoo intaa ku daray in marka Imtixaanka ay qaadaan kadib ay natiijooyinka u soo gudbin doonaan Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada, waxaana uu meesha ka saaray in ay dhacdo musuq maasuq lagu sameeyo deeqahaasi.
Axmed Cabdi Xasan ayaa xusay in deeqaha waxbarasho ee ay helayaan ardayda Soomaaliyeed ee Yemen ku dhaqan aanu ahayn kuwa ku filan balse ay rajo weyn ka qabaan in deeqaha ay isa soo tari doonaan.
Wasaaradda Adeegga Bulshada ayaa qaxoontiga soomaaliyeed ee Yemen ku nool u qoondaysay ilaa 20-argay inay siiso deeqdaas laga helay yemen taas oo la sugayo inay arday intaas ka badani imtixaan u galaan si loo kala saaro.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com