Safaaradda Somalia Turkiga ku Leedahay Oo Beenisay Inay Basaboor Siisay Nin Daroogada ka Ganacsada
Stanbul:Sep,12,2014(SDN/QJ)-Safaaradda Somalia ee dalka Turkiga ayaa si kulul uga jawaabtay eedo la xidhiidha inay Baasabor Somalia diblomasi ah ay siiyeen nin u dhashay dalka Turkiga oo ka ganacsada Daroogada.
Xoghayaha 1aad ee safaarada Somaliya ay ku leedahay wadanka Turkey Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa isagu si kulul u beeniyey eeddaas oo warbaahinta si weyn loogu baahiyey ayaamahan dambe.
hadaba war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Cabdiqaadir Maxamed Nuur waxa uu u qornaa sidan;
“Waxaa layaab leh in ay qaar kamid ah saxaafadii noqotey goob dadka xurmadoodii iyo sharaftoodii meel looga dhaca iyadoo loo bdheedhaayo beenta . shalay waxa ay warbaahinta intooda xumaanta jecel ay daabaceen in Safaaraddda Soomaaliya, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Waaxda Socdaalka ay bixiyeen baasaboor ayna siiyeen nin daroogo kaganacsada oo Turki ah, iyadoo la been abuurey Baasaboor, Sawiro cid kale iyo Waraaqo dowladeed . wax yaabaha ay sheegeen waxaa kamid ah:-
1. In Qunsul sharaf layiraahdo CENGIZ oo daroogista ah loo magacaabey iyo in ay booliisku raadinayeen.
Jawab; Qunsul shafaku lama siiyo baasaboor Diplomaasi, qofkana dalkuu udhashey asoo joogo dal kale diplomaasi uma noqdo xasaanadna lama siiyo qunsul sharafeed. waxaa kasii daran nin booliis raadinaayo safaradiisa xor uma aha nin dembiile ahna looma aqoonsado Qunsul sharafeed.
2. Waxay yidhaahdeen oo ay been abuureen Sawirkeyga aniga oo lasawiran ardey aan jaamacad wada dhiganeyney waxayna yidhaahdeen waa Cengiz oo jaamac la sawiran.
Jawab; sawirkani waxaan share gareeyey 20 july 2012 faceboogeygana waad kaheli kartaan iyagoo katirtirey araydii kale aan wada sawirneyn. kana eega taarikhdaas faceboogeyga.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com