|

Safaaradda Dawaladda Imaaraadka Ee Magaaladda Muqisho Oo Dawlada Somaliya Ku Wareejisay Gaadiidka Aanay Xabaddu Karin

xabad_3Muqdisho:06,June,2014(SDN/QJ)- Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa maanta Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wareejisay deeq gaadiid ah oo la sheegay in ay ka kooban yihiin 11-gaadhi oo nuuca aan xabaduhu Karin ah kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho.

Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaani oo kahadlay Deeqda Gaadiidka nuuca aan xabaduhu Karin ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay deeqo ay Dowlada Imaaraadka carabta ku caawineyso Dowlada Soomaaliya.

Agaasimaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo deeqdan kala wareegay Dowlada Imaaraadka aya uga mahad celiyay Imaaraadka sida ay u garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya ayna ugu heelan tahay gacan siinta Dowlada Federaalka.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa mashaariic hor marineed waxa ay kawadaa dalka Soomaaliya , waxaana dhawaan Dowlada Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid ciidan ay ugu tala gashay in lagu xoojiyo Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

SDN/QJ-Muqdisho

Daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed