SafaaradaIngiriiska ee Addis ababa oo Fiisayaasha Dal ku galkooda ka joosisay Xildhibaano Somaliland u dhashay iyo Xildhibaan Nac Nac oo ka mida dalka ku soo labtay
London 4Feb13(qurbejoog)Safaaradaha Dalalka Ingiriiska ee fadhigoodu yahay Dalka Itoobiya ayaa u soo diiday Fiisayaasha lagu galo dalalkooda Xildhibaan Nac nac iyo xildhibaano kale oo la socday oo ka mid ahaa Sadex Xildhibaan oo doonayay safari nay ku tagaan Dalka Ingiriiska iyo sadex xubnood oo ka mid ah Guddidda Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddidaasi C/risaaq Ciyaaale.
Masuuliyiintan loo soo diiday Fiisayaasha ayaan la garanayn ujeedada safarkooda iyo sababaha loogu diiday hase yeeshee waxa ay Fiisayaashaas kala dalbadeen marar kala duwan iyagoo in muddo ah naawilayay.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac ayaa ku soo laabtay Hargeysa kadib markii ay safaaraddu ku gacan saydhay Codsiga uu u qortay kadib markii ay ku qanci weyday, halka Xildhibaanadii la socday oo kala ah Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan) iyo Maxamed Yuusuf (Waabeeye) ay ka sugayaan jawaabta Safaaradda.
Ilaa hada lama hubo arimaha sababay iyada oo ilo aan ka helay ay noo shegeen in safarada wadanka ingriiska ay badashay wajigii ay kula dhaqmi jirtay somaliland iyada oo aqoonsi buuxda sisay dawlada fedraalka somaliland taas oo dhib ku noqonaysa siiyaasinta reer somaliland ,
qurbejoog.com
Uk london