|

Safaarada Shiinaha oo ka hadashay Somaliland

Muqdisho May 29, 2024 (QJ)-Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qaybgalka Somaliland ee caleemo-saarka madaxweynaha Taiwan ee 20-kii May.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in mowqifka Shiinaha uu weli taagan yahay oo ah in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya.

“Shiinuhu uma aqoonsana Somaliland dal gaar ah, wuxuuna si adag u aaminsan yahay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha.

Afhayeenka safaarada Shiinaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlado badan, hogaamiyeyaal siyaasadeed iyo shaqsiyaad kale ay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ku aadan siyaasadda hal shiinaha.

Hadalka Shiinaha ayaa yimid ka dib markii Somaliland ay dhawaan wafdi u dirtay dalka Taiwan si ay uga qeyb galaan xafladda caleema saarka Madaxweynaha Taiwan oo la doortay horaantii sanadkan.

Comments are closed