Safaarada Mareykanka oo Somalida Booqaneysa Itoobiya digniin u jeedisay
Adis Ababa June 18,2014(SDN/QJ)-War ka soo baxay safaarada Mareyknka ee ku taal magaalada Adis Ababa ayaa waxa lagu sheegay in Soomaalida u socdaaleysa dalkaas ama ku nool ay feejignadaan.
Soomaalida heysa dhalashada Mareykanka iyo kuwa kaleba ayaa lagu war geliyay in wixii ka danbeeyay weerarkii dhicisoobay ee Itoobiya lagu qaaday 2013kii in Soomaalida lala beegsado xarigyo iyo xanibaadyo dhaadheer.
Safaaradu waxa ay Soomaalida uga digtay xarigyo dhaadheer iyada oo aan cidna loo aabayeelin lana horgeyn wax maxkamada.
Soomaalida Mareykanka ayaa lagu wargeliyay xuquuqahooda asaasiga ah ee muwaadinimo isla markaana lagu dhiirigeliyay in ay wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka ska diiwaangeliyaan hadeey Itoobiya booqanayaan.
Soomaalida waxa loo soo jeediyay in ay arinkaa la socdaan hadii ay booqanayaan Itoobiya oo ay ka maarmi waayaana ay xiriir la sameeyaan safaarada Mareykanka ee Adis Ababa.
SDN/QJ-Addis Ababa
contact@somalidiasporanews.com