|

Sadex Xubnood oo Iska Casilay Xubinimadii Gudidii Qabanqaabada Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja

Hargaysa 13.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku-xigeenkii Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Najax Aadan Cunaaye, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen Xubinimadii guddida qaban-qaabada, ka dib markii sida ay sheegeen ay xubno guddida ka mid ahi ka leexdeen Dastuurkii iyo nidaamkii lagu soo xulayay ergooyinka Ururka SOLJA.

solja(3).jpgXubnahan oo is-casilaadooda u gudbiyay Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha guud ayaa daaha ka fayday in xubno iyaga ka mid ahaa ay dano gaar ah ka horeysiiyeen tii suxiyiinta ururka SOLJA.
Waxa ay ku doodayaan in qaabka ay ergadu ku imanayso ay u wareejiyeen xarumaha warbaahinta isla markaana ay dalaw dheer ka rideen xuquuqdii saxafiyiinta Madaxa banaan iyo waliba mihnedleyaasha.

Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen, kaas oo uu nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Qurbejoog.com, waxaanu u dhignaa sidan “Waxa aanu maanta oo ay taariikhdu Tahay September 13 2014 aanu iska casilnay Xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.
Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waxa iska leh oo ku midaysan saxafayiinta Somaliland ee meel kasta oo ay joogaan, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.

Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed